Siyaasi Cali-gurey Oo Bulshada U Sharraxay Waxqabadkii Muuse Biixi 3-sano Ee Uu Wasiirka Ahaa

0
1136
Jamaal Waxa Uu I Siiyey Suryadii Aan Ka Bixi Lahaa, Aniguna Hal Cod Baan Leeyahay Oo Qarin Maayo Ee Waxaan Siinayaa
Jamaal Waxa Uu I Siiyey Suryadii Aan Ka Bixi Lahaa, Aniguna Hal Cod Baan Leeyahay Oo Qarin Maayo Ee Waxaan Siinayaa

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf(cali-gurey) oo dhawaan  shaaciyey inuu siyaasadda xisbiga KULMIYE taageersan yahay, ayaa sharraxay waxqabadkii uu dalka ka geystay guddoomiye Muuse Biixi Cabdi Saddexdii sano ee uu wasiirka arrimaha gudaha ka ahaa xukuumaddii marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal.

Qoraal uu arrintan kaga faaloonayo oo uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Face-book-gga, ayuu ku sheegay inuu guddoomiye Muuse Biixi Taariikhda ku galay masuulkii ugu waxqabadka badnaa tan iyo intii ay Somaliland jirtey, waxana uu tusaale usoo qaatay ciidan-beeleedyadii tirada badnaa ee uu ku guulaystay inay hubka oo dhigaan oo ciidamada qaranka ku biiraan intii uu xilka hayey.

Qoraalkaasi waxa uu u dhignaa sidatan:

Waa sanadkii 26aad tan iyo intii uu dhamaaday dagaalkii SNM iyo Taliskii Siyaad Barre. Musharax Xisbiga Kulmiye dib u milicso taariikh nololeedkiisa. Hadii aan in badan duray bal dhiniciisa wanaagsanna markan aan wax ka taataabto eh ila eega.
Muddadaa ku dhaw 26ka sanadood Muuse saddex sanadood oo keliya ayuu Wasiir ka noqday Xukuumadii AHN eh Cigaal. Marka aynu ka hadlayno saddexdaa sanadood inta badan waxaynu ka eegnaa dhinac keliya oo ah dhinicii xumaa iyo nasiib darradii dhacday ee dagaalkii sokeeyaha uun. Laakiin runtii marka aad dhinaca wanaagsan ka eegtana waxay noqonayaan saddexdii sanadood ee ugu waxqabadka badnaa dhinaca dawladnimada tan iyo gooni-isu-taagii Somaliland.

Waxaynu hubka ka dhignay 27 kooxood oo ka mid ahaa 31kii kooxood ee wakhtigaa hubaysnaa

Waxaynu abuurnay Ciidanka Qaranka ee ilaa maanta inoo jira ee difaaca xuduudaheena

Waxaynu markii ugu horaysay yeelanay Bilayska nabadgelyada gudaha ka masuulka ah

Markii ugu horeysay ayaynu yeelanay Jeelal dembiilaha lagu xidho iyo ciidanka Asluubta

Markii ugu horaysay ayaynu yeelanay lacag ay Somaliland gaar u leedahay oo ka duwan tii Somalia aynu la wadaagi jirnay

Markii ugu horaysay ayaynu yeelanay Miisaaniyad iyo shaqaale dawladeed oo mushahar qaata

Markii ugu horaysay ayay Wasaaradaha iyo laamaha dawladda ee muhiimka ahaa oo dhami dhismeen oo ay bilaabeen inay si rasmi ah u shaqeeyaan

Hadaba sedexdiisa sanadood marka cadaaladda la eegayo hadii aynu ku soo koobno dagaal sokeeye iyo weedh aan la hubin cidda uu markaa ula jeeday intan aan sheegay oo dhanna daaha lagu qariyo waa dulmi baan anigu leeyahaye iyadana waa in la qiraa. Waayo waa sadexda sanadood ee aynu dawladoonay hadii intaa aan sheegay oo dhami ay run tahay mana jiraan sedex sanadood oo taariikhda Somaliland u dhigmi kara sedexda sanadood ee Muuse Biixi Cabdi uu wasiirka ahaa ee bal ninka intaa aan sheegay wax ka beeninaya ama sedex u dhigma sedexdaa sanadood waxan leeyahay haat burhaanak hadii aad intii dalka la soo galay aad qof mudakara ahayd ood goobjoog u ahayd dhamaan wixi xumaan iyo samaan dalka ka dhacay sidayda oo kale. Kuwa yaryar ee loo waramay iyagu afkooda ha iska haystaan
MARKA DAAN CIROOLIYO
RAGGA MADAXU DEEB YAHAY
DIRIRTA ISU SOO BAXO

Waxa doodan ila wadaagi kara oo keliya xogogaal yidhaa Saw Galaba Waxa Jiray Goobjoog Uma Ahayn. Ha beeniyo runta Caligurey soo dhigay inta aanan soo dhigin qaar kaloo badan.