Masuul Xisbiga WADDANI Katirsan Oo Cadho Ka Muujiyey Go’aamadii Boolisku Ku Hakiyeen Hadallada Xanafta Leh Ee Siyaasiyiinta

0
1578
Xisbiga WADDANI Oo Isugu Habar-wacday Ka-jawaabidda Shirkii Madaxweynuhu Burco Kaga Qaybgalay Iyo Weedhihii Samsam Oo Dhimbiil Dab ah Ku Noqday
Xisbiga WADDANI Oo Isugu Habar-wacday Ka-jawaabidda Shirkii Madaxweynuhu Burco Kaga Qaybgalay Iyo Weedhihii Samsam Oo Dhimbiil Dab ah Ku Noqday

“Booliska waxan odhan lahaa muddo sannad ah bay xukuumaddu meeshii ay doonto faro faro-faraynaysay wixii ay geysan kartona ay geysanayeen iyada iy xisbigeedu, maalin qudhaanu hadalnay oo maalintii way damqadeen”

Wasiirkii hore ee wasaaradda Hawlaha guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Md. Cabdirisaaq khaliif Axmed oo haatan kamid ah xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa ciidamada ammaanka Somaliland, gaar ahaan kuwooda Booliska eedo culus u jeediyey, waxana uu muujiyey sida u u dhibsaday amarkii ciidamada Booliska kasoo baxay ee ay kaga digeen hadallada xanafta leh ee siyaasiyiintu warbaahinta isu marinayaan.

Ex. Wasiir Cabdirisaaq oo ka hadlay madal xisbigiisu kusoo dhaweynayey taageerayaal cusub, ayaa shaaciyey inay ciidamada Boolisku ka aamusnaayeen hadalo badan oo hore uga soo baxayey Xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE, kuwaas oo ku tilmaamay qaar xisbigooda loola gol lahaa, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “qoladii Boolisku way hadleen oo wax ka dhawaajiyeyba way dhawaaqeen, laakiin qolada Booliska waxan odhan lahaa muddo sannad ah bay xukuumaddu meel allah meeshii ay doonto faro farafaraynaysay, wixii ay geysan kartona ay geysanayeen iyada iy xisbigeedu, maalin qudhaanu hadalnay oo maalintii way damqadeen.”

Waxa uu hoosta ka xarriiqay in dhawaaqaasi haboonaa marar badan oo aan imika ahayn, balse ay xisbi ahaan haatan go’aankaas ku qanceen oo ay ku dhaqmi doonaan,“Boolisku xilli badan oo loo baahnaa inay waxyaabaha dhacaya iyo muddarrooyinka hor istaagaan oo ay ka hadlaan baanay ka hadlin, laakiin waxanu leenahay haddii aad maanta garateen oo ay idin taabatay idinla qaadanay” ayuu yidhi Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Dhawaaqa ciidamada Boolisku  hakiyeen hadallada xanafta leh ee bulshada kala dilaya oo maalmihii lasoo dhaafay siyaasiyiinta qaar kamid ahi aad u isticmaalayeen, ayaa sababay inay hoos u dhacdo xaraaraddii siyaasadda ee dalku, waxana ay ciidamadu tallaabadan qaadeen kadib markii uu guddoomiyaha WADDANI Md. Cabdiraxmaan Cirro weerar qaawan oo afka ah ku qaaday dhiggiisa KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi.