Eray bixinta Xadiiska ‘Musdalaxul Xadiis’ Q. 3aad, (WQ: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub)

0
1499

Xadiiska saxeexa ah maxaa lagu gartaa?

Sanad: silsilad ahaan waa in uu xidhidhsan yahay, qof kasta qofka uu ka warinayo ugu yaraan waa in ay hal mar is arkeen, isku wakhtina noolaayeen.

Caaddil: qof aan been lagu aqoon waa in u warinaya xadiiska.

Shaad: qofka xadiiska warinaya waa in aannu khilaafin koox kale oo si aan sida uu u warinayo ahayn u warinaysa, ama qof ka xifdi badan aanu ku khilaafin xagga warinta.

Cillo: waa sabab qarsoon oo xadiiska kala goynaysa in aanay jirin.

Daabbid: qofka xadiiska warinaya waa in uu xadiiska xifdisan yahay, culimadii xadiiska warin jirtay waxa la odhan jiray xufaad, sida Xaafid Ina Xajar oo kale, sida oo kale waa in uu ugu qoran yahay kitaab.

Intaa kolka laga helo xadiisku wuxu noqonayaa xadiis xujo gal ah oo dhan walba loo cuskan karo; Axkaamta, Caqiidada, Tafsiirka, Siirada iyo dhadhaar kasta oo looga baahdo.

Labada imaam ee Bukhaari iyo Muslim kolkii ay baadhayeen axaadiista Suubbanaha NNKH waxa ay ku dadaaleen in ay intaa aynu kor ku soo xusnay sugisteeda ku dadaalan, waana ta keentay in ay maanta noqdaan ragga loogu kalsooni badan yahay xagga sugnaashaha axaadiista.

Culimada ku horraysa kala hufidda axaadiistu waxa ay isku waafaqsan yihiin axaadiista labadaa imaam soo guuriyeen in ay ku dhaceen sugnaasho la hubo, marka laga yimaaddo Bukhaari; Aadabul-Mufradka iyo Muslim; Muqadimadiisa, oo la sheego axaadiis aan sugnayn in lagu helay, labadaa tuduc wax aan ahayn oo ku jira waxa la isku waafaqsan yahay in ay sugan yihiin.

Xadiiska Xasanka ah maxaa lagu gartaa?

Xadiiska sanad ahaan Xasanka ah waxa ay ka siman yihiin xadiiska Saxeexa ah;Sanadka, Caaddilka, Shaadka iyo Cillada, se waxa uu kaga hooseeyaDaabbidka, waana sababta loo yidhi Xasan.

Xadiiska Xasanka ah waa mid daraja ahaan hal salaan ka hooseeya xadiiska saxeexa ah, sababta loo kala tagayna waa xagga xifdinta oo ragga Xasanka wariyey oo ka xifdin hooseeya ragga saxeexa warinaya, hase ahaatee waa xadiis xujo gal ah oo loo cuskanayo intii loo cuskaneyey saxeexa.

Xadiiska Daciifka ah maxaa lagu gartaa?

Xadiiska ka hooseeya xagga darajada xadiiska Xasanka ah ayaa la yidhaa waa xadiis Daciif ah.

Xadiiska daciifka ahi waa mid sida aynu kor ku xusnayba daraja ahaan ka hooseeya xadiiska xasanka ah. Sidaa ajligeed noqon maayo xadiis xujo gal ah oo la cuskado, se haddii dhowr xadiis oo dafiic ah is biirsadaan waxa uu noqonaya xadiiska loo yaqaan Xasanu Liqayrih.

Xadiiska Marfuca ah maxaa lagu gartaa?

Xadiiska Marfuufa ah waa xadiis loo tiirinayo Rasuulka CSW.

Xadiiska Marfuucu waa xadiiska loo tiiriyo Rasuulka CSW oo la yidhaa Rasuulku sidaa ayuu yidhi, ama sidaa ayuu sameeeyey, sida oo kale isaga shakhsi ahaan lagu tilmaamo sida akhlaaqdiisi, dharkiisi, socodkiisi, fadhigiisi iyo habdhaqankiisi.

Xadiiska Maqduuca ah maxaa lagu gartaa?

Maqduucu waa xadiis Taabici ka warinayo Rasuulka CSW.

Sharaxaadda ama tafsiirka uu Taabici ka bixiyo aayad iyo xadiis.

Maqduuca xadiiska la yidhaa waa laba mid un; in uu ku saxsan yahay Taabicigu warkiisa, tusaale ahaan in u sharaxayo aayad Quraan ah ama Xadiis, taasi waa mid uu ku saxsan yahay, se haddu yidhaahdo waxa aan warinayaa xadiis dabadeed isagu uu yidhaa, “Rasuulkii waxa uu yidhi.” Su’aasha la waydiinaya waxa ay tahay, halkeed isku soo gaadheen? Markaa waxa aad halkaa ka garanaysaa in sanadka xadiisku kala go’an yahay.

Xadiiska Musnadka ah maxaa lagu gartaa?

Musnadku waa xadiiska sanadkiisu xidhiidho, ka warinaya laga bilaabo ilaa Rasuulka CSW laga gaadho, kala go’na aan lahayn.

Musnad luuqadda carabiga waxa la yidhaa qof qof kale hadal u aaneeya ama u tiiriya, musdalax ahaanna waa dhiganayaasha axaadiista lagu ururiyo, xadiiska sanad ahaan xidhiidhsanna musnad baa la yidha.

Xadiiska mutasilka ah maxaa lagu garta?

Mutasilku waa xadiiska isku xidhan meesha u ka bilaabmo ilaa halka u ku dhammaado.

Mutasilku waxa uu kaga duwan yahay Musnadka halka ay ku kala dhammaadan. Musnadku wuxu ku dhammaada Rasuulka CSW, halka Mutasilku meesha uu ku dhammaanaya aanay jaan go’anayn, se isna haddu ku dhammaado Rasuulka waxa uu noqonaya Musnad.

La soco qaybta afaraad……

Hoos ka akhriso qaybta koowaad

Eray bixinta xadiiska “musdalaxul xadiis” Q.1aad

Eray bixinta Xadiiska ‘Musdalaxul Xadiis’ Q. 2aad

Talo iyo tusaaleba waa xaggiina

Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan-Rakuub

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

Bogga Faysbuugga: Cabdirisaaq Rakuub

Email: rakuub2020@gmail.com

Tell: 063 440 85 03. 97 08 515

SheekhRakuub.wordpress.com