Halkee Ayay ku Dambeeyeen Go’aamadii Guddigii Baadhista Sicir Bararku soo Saareen ee Madaxweynuhu Ummadiisa Dhibaatada Kaga Dulqaadayay?

0
852

Sicir bararka iyo Sarif bararka isbiirsaday oo dib u laba kacleeyay iyo boqolka doolar oo gaadhay 835.000 (SLSH)

Hay’adihii qaabilsanaa fulinta go’aamada dawladda ee baanka dhexe ugu horeeyo oo hurdo dheer galay.

Dadweynaha reer Somaliland, ayaa wax iska weydiinaya   sababta madhaleyska ka dhigay  go’aamadii ay soo saareen Guddidii madaxweynaha Somaliland uu 3-dii Bishii December 2015-kii u xil saaray baadhista iyo ka soo tallo-bixinta sicir bararka dalka naafeeyay iyo waxa  laamaha dawladda ee qaabilsanaa u fulin waayeen qaraarkii xakameynta sicir-bararka oo  ahaa hindise  Madaxweynuhu ummadiisa dooratay kaga helay taageero laxaadle.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa  digreetadii uu ku magacaabay Guddidaas oo ka koobnayd shan xubnood oo madaxweyne Ku-xigeenku Guddoomiye u ahaa, waxa uu ku faray inay qaddiyaddaas si mug leh u baadhaan isla markaana keenaan xog uu ku go’aan qaato oo wax lagaga qabto  sicir bararka maceeshadda iyo sarif bararka, waxaanu ku yidhi digreetadiisii; “Masuuliyadaha iyo waajibaadka muhiimka ah ee Xukuumadayda ka saaran xagga arrimaha dhaqaalaha dalka waxa ka mid ah la socodka qiimaha shilinka Somaliland iyo kolba heerka uu marayo sicirka suuqu (korodh iyo hoos u dhacba). Sida aad la wada socotaan, dalkeenna waxa ka jira sicir-barar ba’an oo saamayn toos ah ku yeeshay nolol maalmeedka bulsha weynta Jamhuuriyadda Somaliland. Haddaba, waxa lagama maarmaan ah in arrintaa si qoto dheer loo soo baadho, looga soo war bixiyo isla markaana laga soo ururiyo xog waafi ah oo lagu go’aan qaato. Sidaa darteed, Guddi ahaan waxaan idin farayaa inaad xog buuxda iga soo siisaan sicir-bararka dalka ka jira, kana soo talo bixisaan wixii arrintaa lagu xallili karo.”

Guddidii arrintan loo saaray ee madaxweyne ku-xigeenku Hoggaaminayay  waxa kale oo xubno ka ahaa, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda  (G/ku xigeen), Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo xilligaas ahaa Cali Maxamed Waran-cadde  iyo  Guddoomiyihii hore ee baanka dhexe  Baanka Dhexe.

Go’aankaas madaxweynaha waxa xilligaas u riyaaqay danyarta iyo dabaqadaha hoose ee bulshada Somaliland, waxaanay u arkayeen inuu kaga damqaday culayska  sicir-bararka iyo sarif bararka haysta ee aanay dunida kale la qabin.

21-kii January 2016-kii maalin Khamiis ahayd,  waxay Guddidaasi soo saareen go’aamo ka koobnaa sagaal qoddob oo ay ugu weynaayeen kuwan hoos ku qorani:-

  • Lacagta Somaliland shillinka Somaliland inay noqoto mid dalka oo dhan ka socoto oo ka shaqaysa.
  • In lacagta S omaliland aanay ku xidhnaan lacagta doollarka ama lacag kale maadaama lacagta Somaliland ay tahay tiir kamida tiirarka ay qaranimada Somaliland ku taagan tahay.
  • In ciddii diida qaadashada lacagta Somaliland In la marin doono sharciga dalka.
  • In xal waara loo helo in sarifka Somaliland uu noqdo mid fadhiya.
  • In bartilmaameedka sarifka lacagta Somaliland uu noqdo mid lagu sarifo halka doollar lix kun oo shillin (1$- 6000 shilling).
  • In boqolka doIllar noqdo mid lagu sarifo lix boqol oo kun (100$ – 600,000)

Go’aankan ayaan  tisqaadin, waxaanu  shaqeeyay  oo  muddo bil ah oo halka doolar lagu kala sarifanayay qadarkii dawladdu u goysay, waxaanay sarrifleyaasha jaangooya sarifka lagaha qalaad ay si tartiib-tartiib ah u bilaabeen inay mar kale cirka ku shareeraan sarifka doolarka oo maceeshada daruuriga ahina ku xidhan tahay.Sidoo kalena,  waxa aan waxba iska bedalin qiime dhaca lacagta Somaliland oo u muuqata mid lagu taseeyay dalkeedii hooyo.

Waxa xalay suuqyada Hargeysa  gacanta hore Boqolka Doollar lagu kala sarifanayay  810.000 (SLSh), halka gacanta dambena lagu kala qaadanayay 835.000 (SLSH),  waxa iyana la  qaaliyoobay badeecadaha daruuriga ah.  Sicir bararka iyo sarif bararka laba kacleeyay, waxa sabab u ah  laamihii dawladda ee Baanka dhexe u horeeyo  ee qaabilsanaa fulinta go’aankaas  ayaa  ka seexday  isla markaana dayacay masuuliyadoodii.  waxaanay  ayaan darro ku noqonaysaa madaxweynihii himillada togan la yimid ee dedaalka u galay inuu bulshadiisa ka dulqaado culayska  iyo dhibaatooyinka nololeed.

Dhibaatooyinka shacabka Somaliland la nool yihiin, waxa ka mid ah lacagaha electarooniga ah mobile-ka la iskaga diro ee ZAAD iyo E-DAHAB. shirkadaha adeegyadan sameystay ayaa kaalinta ugu  weyn  ku leh sicirbararka iyo qiime dhaca lacagta Somaliland. waxay labadaas shirkadood dalka ka urursadeen  xadiga ugu badan ee lacagtii adkayd ee wadanka  ku dhex wareegi lahayd. Waxay haddana ku darsadeen lacagtii xawaaladaha ee dadka dibadda looga soo dirayay  oo ayay ka dhigeen inay ku diraan ZAAD iyo E-DAHAB, taasina waxay hoos u dhigtay doollarkii dalka soo geli lahaa.

Haddaba, Waxa lagama maarmaan ah in xukuumaddu qaado  tallaabo weyn oo ay ku tirtirayso sicir bararkan joogtada noqday, maadaama oo ay dalka ka jiraan duruufo abaareed oo Ilaahay ha innaga soo furtee saameeyay  dad gaadhaya 1.5 Milyan oo ku nool gobollada bariga dalka, iyadoo  ay inoo raacday dhoofkii xoolaha  nool ee joogsaday.

Suulinta sicir bararku waa mid dhaxal siyaasadeed oo wanaagsan u ah Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo  jecel inuu xakameeyo sicirbararka, maadaama oo uu yahay  dhaqaale yahan. Waxay dadweynuhu ku ammaaneen qorshihii uu la yimid ee wax ku oolka ahaa ee ay ka seexdeen hay’adihii fulin lahaa, waxaanay  ray’ul caamka bulshaddu rejo ka qabaan in Madaxweynahoodu laamaha xukuumadda kula xisaabtami doono sababta loo fulin waayay go’aankii lagu diirsaday ee xakameynta sarif iyo sicir bararka.

Xigasho: Wargeyska DAWAN