Riig Biyoodkii Xukuumaddu Ka Hir Galisay Deegaanka Coodanle Oo Fadhiistay Iyo Wasaaradda Biyaha Oo Hurdo Dheer Gashay

0
1072

Waxa Oon Daran La Tiicaya Oo Hareeraha Riigga Ku Xaraysan Kumanaan Xoolo ah Oo Deegaankaas ku Dhaqan

Riig-biyoodkii dhawaan ay xukuumadda Somaliland ka hir galisey deegaanka Coodanle ee gobolka Buuhoodle, ayaa gabi ahaanba fadhiistay,waxaana  ka warbixiyey ciladda soo food saartay riiga qaar kamida shaqaalihii riigga  ka hawl galayey.

Riiggan oo muddo bil ku siman shaqaynayey, ayaa waxa hirgelintiisa kaalin weyn ka qaadatay wasaaradda maaliyadda Somaliland, waxana loogu talo galay inay biyo ka helaan kumanaan qoys oo kasoo hayaamay deegaanno kala duwan oo halkaas ku ururay, balse haatan waxa harraad la ildaran xoolihii iyo dadkii deegaankaas ku noolaa oo aan haysanin meel ay biyo ka cabbaan.

Cillada Riiggan ku timi, ayaan weli si rasmi ah loo xaqiijin, wasaaradda Biyuhuna wax war ah  kama ay soo saarin, balse qaar kamid ah shaqaalihiisa oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in matoorka biyaha kasoo saara ee gufaha geelka ku jiraa cilladoobay oo aanay iyagu wax xal ah u haynin.

Shaqaalaha Riiggu waxa ay xuseen in markii hore cillad koobani ku timi biyo tuuraha dibadda yaalla ee kaalmaha ku shuba biyaha, balse markii dambe ay soo korodhay cillad  ballaadhan oo loo nisbaynayo inay tahay gubasho ama dhaawac ku yimi daynamada ceelka gudihiisa ku jirtaa, waxana qaar kamid ah shaqaalaha hadalladoodii kamid ah, “Riiggii Coodanle ee aanu ka shaqaynay matoorkii cillad baa ku timi, markii aanu cillad saarnay ee aanu bamkii ku xidhnay ee aanu istaadhnayna waxa gubtay bamkii weynaa ee ceelka biyaha kasoo qaadayey, riiggiina ma shaqaynayo” ayuu yidhi mid kamid ah shaqaalaha gacanta ku haya riigaasi.”

Wasaaradda Biyaha Somaliland ayaan iyadu ilaa hadda waxba ka ogayn, waxaana dadka ku dhaqan deegaanka Coodanle oo ah deegaan ay iskugu yimaadeen qoysas  tiro badan oo meelo kala duwan kasoo baro kacay dhawrayaan tallaabada ay xukuumadda masiibadan kaga jawaabto.