“Dhiiga Dhulbahante Aniga Iyo Cali Khaliif Midna Uma Taallo, Ee Waxay U Yaallaan Ninkii Dadkiisa La Dilay

0
1053

“Dhiiga Dhulbahante Aniga Iyo Cali Khaliif Midna Uma Taallo, Ee Waxay U Yaallaan Ninkii Dadkiisa La Dilay Wasiirka Caafimadka Somaliland Saleeban Axmed Ciise Xaglotoosiye ayaa ka hadley wada hadaladii dhawaan magaalada Addis Ababa ee dalka Ethopia ugu furmey xukuumada Somaliland iyo maamulka Khaatumo. Muddane Xaglotoosiye oo ah siyaasi ka soo jeeda deeganada gobalka Buuhoodle waxaa uu sheegay in uu siyaasi ahaan isagu aad u soo dhaweynaayo wada hadalkaasi labada dhinac u furmey isla markaana aad ujecel yahay in Cali Khaliif Somaliland ku soo biiro oo dadkiisa waxa la qeybsado. “Cali Khaliif waa nin siyaasi ah wadahadalana Somaliland la wada in uu ku soo biiri Somaliland oo uu dadkiisa u yimaadana anigu aad baan u soo dhaweynayaa, koleyna wali maan arkin qoladii wada hadalka la soo galay ee wasiir Sacad hogaaminaayey, walina war bixin namey siinin balse waxaan ogahey uun in laggu heshiiyey in la heshiiyo taasina ma xuma ” ayuu yidhi Saleeban Axmed Ciise Xaglotoosiye. Sidoo kale wasiir Xaglotoosiye oo hadalkiisa sii wata waxaa uu sheegay in aanu siyaasigu ka masuul aheyn arimaha dhiiga iyo dhaqanka. ” Siyaasigu ama aniga ha ahaado ama Cali Khaliif ha ahaado masuul kama aha arimaha dhiiga iyo dhaqanka , dhiiga iyo dhaqanka waxaa masuul ka ah madax dhaqameed , dhiiga dhul bahante Cali Khaliif uma taalo anigana iima taalo ee dhaqan iyo dhiig waxaa ay u yaallan ninkii dadkiisa la dilay iyo caaqilkiisa ” ayuu yidhi wasiirku