Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Oo Si Adag Ula Hadlay Madaxda Xisbiyada Qaranka

0
845

Madaxweyne ku xigeenkii Labaad Ee Somaliland Oo Walaac Ka Muujiyey Hab-dhaqanka Xisbiyada

Madaxweyne ku xigeenkii labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali faarax, ayaa dhalliilo ba’an u jeediyey   hoggaanka Xisbiyada Qaranka Somaliland, isla-markaana ka warramay xaaladda Dadka iyo Dalka Somaliland.

Cabdiraxmaan Aw-Cali, ayaa Shalay hadalkan ka sheegay xaflad lagu daah-furayey Shirkad Adeeg sharci u fidinaysa bulshada Somalilnd oo lagu soo bandhigay Magaalada Hargeysa, waxaanu ugu horreyn ka hadlay xaaladda uu dadka iyo dalka Somaliland uu haatan ku jiro waxaanu yidhi, “Waqti adag ayeynu ku jirnaa, meeshii aynu iskugu nimaadno waxa habboon inaynu u duceyno Dadka iyo Dalka oo illaahay aynu weydiisano inuu kasoo jebiyo abaaraha dadkeena haya oo raxmad kheyr qaba iyo Nabadgelyo illaahay ina siiyo”.

Cabdiraxmaan Aw-Cali waxa kaloo si adag u dhalliilay hab dhaqanka Axsaabta siyaasadda “Maalmahii ugu dambeeyey, haddii aad arkayseen Warbaahinta, Xisbiyada tartamaya waxyaabahay isku marrinayeen hawada, iyo ficillada la sheegayo ee magaalada ka dhacaysa, wax ummadda iyo dalka raalli -gelin karaya maaha, waxaan leeyahay waan arki doonaa oo waan la hadli doonaa Nimanka Xisbiyada madaxda ka ah ee doonaya inay dalka iyo dadka madax ka noqdaan, waxaanan leeyahay waar Nabadgelyada hala illaaliyo oo hufnaanta tartanka hala illaaliyo, waana inaad ummaddan xilliga adag ku jirta inaad u tudhaan oo aad ku tartantaan si nadiif ah oo aanay dhexdooda kala fogaan, waayo?, Nabad ayey u baahan yihiin ee Collaad uma baahna, si hadhaw dad mid ah oo Nabad ah aad madax ugu noqotaan, haddii hadhow dad iyo dal midna aad ugu tagi weydaan, maxaydun hadhaw Madax u noqon”. Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Aw-cali Faarax