“Anigu Waxaan Xilka Xafiiskan Qabtay Iyada Oo Ay Ku Xigeennadaydu Yihiin Sagaal Xubnood Oo Keliya, Maantana Waxaa Ay Tiradoodu Lix Iyo Afartan Ku-Xigeen Ayay Marayaan”

0
909

Mr. Xasan Axmed Aadan- Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Somaliland Oo Sheegay In Sannadkan Dhammaadka Ah Ay Dalka Ka Dhaceen In Ka Badan Boqol Kiis Oo Kufsi Ah Iyo Gobolka Hargeysa Oo Kaalinta 1aad U Galay

“Sannadkan Sii Dhammaanaya Dembiyada Kufsigu Waxa Ay Marayaan 109 Kiis, Kuwaas Oo Ka Kala Dhacay Gobollada Maroodi-jeex, Togdheer, Boorama, Saaxil, Sanaag, Gabiley, Sool Iyo Caynaba”

++++++++

“Shaqadayada Ugu Weyni Waa Eedaha Maxakamadda Horteeda Laga Oogo & Diiwaangelinta Ururrada Siyaasiga Ah Iyo Saxaafadda”

Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland Xasan Axmed Aadan ayaa  ka war bixiyey kiisaska sanadkan gebogabada ah ee 2016-ka xafiiskiisa  soo maray iyo nooca ay tahay shaqada ay qaranka u hayaan. Xeer Ilaaliyaha guud ee qaran Somaliland waxaa uu sheegay in shaqada ay qaranka u hayaan in ay tahay soo oogida dacwadaha iyo diiwaangalinta saaxafada, shirkadaha, ururrada siyaasiga ah iyo waliba curinta xeerar ay ka mid yahiin xeerka tahriibka iyo  xeerka argagixisadu. “Shaqadayada ugu weyne waxaa weeyey eedeynta lagu oogaayo maxkamadaha horteeda , waxaa kale oo ka mid ah diwaangalinta shirkadaha, saxaafada iyo ururada siyaasiga ah ” ayuu yidhi xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland  Xasan Axmed Aadan oo warbaahinta ugu warramay xafiiskiisa.  Sidoo kale waxaa uu xeer ilaaliyuhu ka war bixiyey kiisaska kufisaga ee sanadkan soo maray xafiiskooda waxaana uu yidhi “Danbiyada kufsiga ahi waxaa ay marayaan 109 kiis sanadkan sii dhamanaya 2016 waxaana ay u kala dhaceen sidan , gobalka Maroodi-Jeex 53 Kiis , Togdheer 7 Kiis , Borama 7 , Saaxil 15 Sanaag 23 , Gabilay 4 , Sool iyo caynaba 9 Kiis ” ayuu yidhi xeer llaaliyaha guud ee qaranka Somaliland, waxaanu intaa ku daray  “Waxaa kale oo xafiiskani qabtaa kormeerida Xabsiyada dalka, sidoo kale waxaa uu hawl ku leeyahay xagga diyaarinta shuruucda dalka, gaar ahaanna xagga ciqaabaadka, kuwaas oo badankooda uu xafiiskani diyaariyey sida xeerka la dagaalanka budhcad badeeda, waxaa kale oo kamid ah xeerka isu gudbinta maxaabiista oo aynu dalka jasiiradda Seychelles la galnay kuwaas oo ay hadda maxaabiis badan [oo jasiiraddaas laga soo qaaday] ku xidhan yihiin hadda Somaliland, xeerka la dagaalanka argagaxisada ayaa isaguna kamid ah xeerarka uu xafiiskani diyaariyey, una gudbiyay baarlamaanka, xeerka ilaalinta xeebaha [coastal Guides] ayaa isagana aanu diyaarinay”. Ayuu Xeer Ilaalliye Xasan Yidhi.

Geesta kale waxaa uu sheegay in uu xilka xafiiskan qabtay iyada oo ay ku xigeennadiisu  kooban yihiin hase yeeshee muddadii uu xilka hayay oo ku siman lix sanno iyo dheeraad ay aad u kordheen xubnaha ku xigeennada u ahi “Waxaan anigu imi xafiiskan iyada oo ay ku xigeennada xeer ilaaliyaha guud sagaal xubnood ookeliya yihiin, maantana ku xigeennadaydu waxay marayaan afartan iyo lix xeer ilaalliye, kuwaas oo aanu xarunta guud ee Hargeysa iyo xarumaha kale ee gobollada ka wada dhisnay”. Ayuu Yidhi xeer Ilaalliyaha guud.