Madaxweynaha Somaliland oo la shiray saraakiil ka socday OCHA iyo ECHO

0
1168
????????????????????????????????????

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay masuuliyiin ka kala socday hay’adda qaramadda midoobay u qaabilsan arrimaha bani’aadan-nimadda ee OCHA iyo ururka midawga Yurub qaybta gar-gaarka bani’aadan-nimadda ee loo soo gaabiyo ECHO.

Kulankaasi oo ka qabsoomay xarunta madaxtooyadda Somaliland ee Hargaysa , waxaa madaxweynaha ku wehelinayay madaxweyne ku xigeenka C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), xubno ka mid ah golaha wasiirrada iyo guddiga abaaraha heer qaran.
Kulankaasi ayaa ahaa mid lagaga wad arrinsanayay sidii hay’adaha OCHA (UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs), iyo ECHO (European Comission Humanitarian Office), ay uga qayb qaadan lahaayeen gurmadka lagu samata-bixinayo dadka baartu haleeshay ee goboladda Bariga Somaliland.

Kadib markii kulankaasi uu soo dhaMmaaday waxa warbaahinta sida wada jir faah-faahin uga siiyay waxyaabihii lagaga wada hadlay Afhayeenka madaxweynaha Somaliland Eng. Xuseen Aadan Cigge (Deyr), iyo masuuliyiin ka kala socday hay’adda OCHA iyo ururka midawga Yurub qaybta qaabilsan gar-gaarka bani’aadan-nimadda ee ECHO.

Af-hayeenka madaxweynaha Xuseen Deyr, oo ka warbixinayay waxyaabihii uu madaxweynuhu kala hadlay masuuliyiinta ka socday OCHA iyo ECHO, waxa uu yidhi “Maanta (shalay) waxa uu madaxweynaha Somaliland xafiiskiisa kulan kula yeeshay masuuliyiin ka socday hay’adda xidhiidhisa gar-gaarka bani’aadan-nimadda qaramadda midoobay ee OCHA iyo midawga Yurub ee ECHO.
Waxaanay madaxweynaha ka wada hadleen sidii gurmadka abaaraha ka jira Somaliland uga qayb qaadan lahaayeen hay’aduhu, waxa kale oo ay masuuliyiinta ka socday OCHA iyo ECHO la kulmeen gudiga abaaraha qaranka Somaliland waxaanay soo ban-dhigeen kaalinta ay doonayaan in ay ka qaataan gurmadka dadka reer Somaliland ee ay abaartu haysato.”

Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay masuul ka socday hay’adda jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa u qaabilsan arrimaha bani’aadan-nimadda ee OCHA Mr. Justin Brady waxaanu tilmaamay sida ay uga go’an tahay in ay gacan ka gaystaan gurmadka dadka abaaraysan. Chasting, waxaanu yidhi “Maanta (Shalay) waxaanu halkan u nimid anagoo ka jawaabay-na baaqii xukuumadda Somaliland ee ku saabsanaa sidii ay beesha caalamku gacan uga gaysan lahayd gurmadka abaaraha ka jira Somaliland, iyadoo wixii suurto-gal ah qorshahayagu yahay in aanu caawimadda badankeeda bixino sanadka soo socda.
Halkan (Madaxtooyadda) waxaanu kula kulanay madaxweynaha iyo gudiga abaaraha qaranka, anagoo ka wada hadal-nay sidii aanu uga qayb qaadan lahayn gurmadka abaaraha, waxaananu isla eegnay kaalinta aan ka qaadan karno. Waxaananu isku af-garanay in aanu kaalmadayadda inta ugu badan bixino horaanta sanadka 2017-ka, ee ah wixii aanu ugu tallo-galnay abaaraha ka taagan Somaliland.”

Geesta kalena, waxa isna halkaasi ka hadlay Mr. Yahaan oo ka socday xafiiska ururka midawga Yurub u qaabilsan arrimaha bani’aadan-nimadda ee ECHO, waxaanu sheegay in xaaladda abaarta ee hadda ka taagan Somaliland ay marayso meel halis ah, isla markaana loo baahan yahay in si dhakhso ah wax looga qabto.

Mr. Yahaan, waxa kaloo uu tilmaamay in qorshe laga yeesho sidii looga gaashaaman lahaa abaaraha si aanay u noq-noqonin. Waxaanu yidhi, “Waxaan ka socdaa komishanka Midowga Yurub xafiiskiisa arrima bini’aadminimada, (European Commission Humanitarian Office), saaka (shalay) waxaanu halkan (madaxtooyadda) kula kulanay guddida gurmadka abaaraha heer qaran.
Waxaanan filayaa in hadda ay cadahay xaaladda abaareed ee ka taagan Somaliland in ay marayso meel halis ah oo ay tahay in hore loo sii wado isku dabo-ridka waxqabadka, lana xoojiyo macluumaad is-dhaafsiga dhinacyada oo dhan. Waxa kale oo muhiim ah in aan ka fikirno hawlaha lagaga bad-baadi karo abaaraha mustaqbalka oo ah in laga sii gaashaanto si aanay dhibaatadan oo kale u soo noq-noqon.”

Dhinaca kale kulankaasi uu madaxweynaha Somaliland la yeeshay hay’adaha OCHA iyo ECHO ayaa noqonay mid ay xukuumadu ku raadinayso sidii hay’adaha caalamku ay gacan uga gaysan lahaayeen gurmadka dadka abaaraysan ee reer Somaliland.
Sidoo kale balan-qaadkii ay ka dhawaajiyeen masuuliyiinta ka socday hay’adaasi ayaa u muuqda tallaabo ay kaga jawaabayaan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen caawinta dadka abaartu saamaaysay ee degaamadda Somaliland.