Wasiirka Ganacsiga Oo Ka Hadlay Safarka Uu Masar Ku Tagay

0
978

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Cumar Shucayb Maxamed, oo ka mid ah Guddi loo xilsaaray inay ka hawl galaan dhoofka xoolaha ee uu Sucuudigu joojiyey, waxaanu ka war bixiyey halka ay wax u marayaan, waxaanu sheegay inay Sucuudigu la sameeyeen xidhiidh ku saabsan dhoofka xoolaha ee ay joojiyeen.

Wasiirka Ganacsiga Somaliland Cumar Shucayb Maxamed oo hadda ku sugan dalka Masar gaar ahaan Magaalada Qahira, ayaa isagoo Wargeyska Geeska Afrika khadka telefoonka ugu waramay ayaa sidoo kale ka hadlay ujeedada socdaalkiisa ee Masar, waxaanu tilmaamay inay Caasumad ka haleen isla markaana ay ka wada hadlayaan sidii labada dal isku kaashan lahaayeen iyo sidii ay xoolaha Somaliland u qaadan lahaayeen, waxaanu yidhi isagoo ugu horeyn ka hadlaya socdaalkiisa Masar “Muhiimada aanu u tagnay Masar may ahayn in aanu Xoolaha ka hadalno ee Wasaaradda Gaancsiga ee dalka Masar ayaanu casuumad ka helnay, Wasaaradan oo qudha maaha ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Wasaaraddo kaleba waanu marnay, waxayna Masar jeceshay inay Xoolaheena qaadato, waxay jecel yihiin in xoolaheena oo qaydhin iyo isagoo noolba inay inaga qaatan, waxaan kale oo aanu rajaynaynaa inay Geele ay inaga qaadan jireen inaga qaataan, waxa kale oo ay noo balan qaadeen inay inaga caawiyaan dhinaca Waxbarashada iyo inay Tababar inoo siiyaan Shaqaalaha,”

Wasiirka Ganacsiga mar aanu wax ka weydiinay halka uu ku dambeeyey dhoofkii Xoolaha ee la joojiyey iyo Xukuumaddu waxay ka damacsan tahay wuxuu yidhi “Waxaan ka mid ahaa Guddi loo xilsaaray arinta xoolaha, warqadna waa loo qoray Sucuudiga, xidhiidh fiicana waa lala sameeyey, haddana meel fiican buu xidhiidhkaasi marayaa, rajo wanaagsana waanu qabnaa”