Wasiirka Caafimaadka Oo Sheegay Inay Ballanqaad Ka Heleen Golaha Guurtida

0
781
????????????????????????????????????

Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Guurtida  ayaa ku amaanay Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) waxqabkii uu sameeyey mudadii uu joogay, isla markaana u ballanqaaday inay kala shaqeyn doonaan dhamaan hawlahu uga baahdo.

Gudoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Guurtida, Mr. Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan oo shalay kulan albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay Wasiirka Caafimaadka Dr. Xaglatoosiye iyo madaxda Wasaarada ayaa gebagebadii kulanka sheegay inay wada xaajood wanaagsan dhexmaray, isla markaana isla wada qaateen dhamaan qododbadii laga wada hadlay.

Mr. Maxamed X. Cabdiraxmaan oo gebagebadii kulanka warbaahinta u sheegay ujeedada kulankii dhexmaray madaxda wasaarada Caafimaadka ayaa yidhi,

“Warbixin buuxda ayuu na siiyey, Ilaahay amarkii, dalkuna xaalad gurmad ayuu ku jiraa, dedaaladeedii iyo hawsheediina Wasiirka iyo hawlwadeenadiisu way wadaan.

Golaha guuritada ayaa ku amaanay wasiirka Caafimaadka Dr. Xaglatoosiye waxqabadka uu ku soo kordhiyey wasaarada Caafimaadka mudadii uu xilka hayey, waxaanay yidhaaheen,

“Waxaan uga mahadcelinaynaa Wasiirka Caafimaadka waxqabakii balaadhnaa uu qabtay mudadii uu xilka hayey iyo kor-u-kaca adeegyadii caafimaadka. Caqabado way jiraan, balse waxaan isla qaadanay in sida ugu khaqso badan wax looga wada qabto.

“Golle Guurti ahaan waxaan u ballanqaadnay inaan waxii dhinacayaga ah gacan ka siino.

Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) oo kulankii dhexmaray guddiga Joogtada ee Golaha guuritda ka hadlay markuu dhamaaday ayaa yidhi,

“Maanta (shalay) waxaan kulan la yeelanay guddiga Arrimaha Bulshada ee golaha Guurtida, ku saabsanaa maadama sannadku dhamaanayo in guddigu ogaato waxqabadkii wasaarada caafimaadka ee sannadkan.

Si wanaagsan ayaan ugu gudbinay, dhamaan waxii su’aalo ay ka qabeena, jawaabaheedii ayaan siinay.

Dr. Xaglatoosiye ayaa sheegay in guddiga Arrimaha Bulshada ee golaha Guurtidu ballanqaad u sameeyeen, waxaanu yidhi,

“Aad baan ugu mahadcelinayaa Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Guurtida oo noo ballanqaaday inay wasaarada Caafimaadka la shaqeynayaan, xilligan aanu ku jirno gurmadka abaaraha iyo mustaqbalka.

Kulankan dhexmaray Wasiirka caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) iyo madaxda wasaarada iyo guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Guurtida ayaa ku soo dhamaaday jawi isfaham.