Waddani Oo Sheegay Inay Kalsoonida Kala Noqdeen SONSAF

0
880

Guddoomiyaha Garabka dhalinyarada xisbiga Mucaaridka ee Waddani Maxamed Sidiiq Dhamme ayaa sheegay inay kalsoonidii kala noqdeen dallada ay ku bahoobeen ururada aan dawliga aheyn ee SONSAF.

Maxamed Sidiiq Dhame oo shalay warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa waxaa dallada SONSAF ku eedeeyay in ka baxday dhexdhexaadnimadii ay bulshada u matalaysa maaddaama xubno katirsan hoggaan sare ee daladaasi ka tirsan yihiin xisbiga Muxaafidka ee Kulmiye.

Waxaa uu sheegay in masuul ka mida xubnaha sare ee dalladaasi oo lagu magacaabo Xuseen Ibraahim Buuni oo maalintii doraad ka qaybgalay shirkii dhalinyarada ee Xisbiga Kulmiye islamarkaana uu ahaa Masuulkii akhriyey war murtiyeedkii kasoo baxay Shirkaasi, “Arrinkani maaha mid la aqbali karo waxaa uu mugdi galinayaa dhex dhexaadnimada SONSAF, Xisbiga Waddani waxaa uu u arkaa in dallada SONSAF ay dhinac u leexatay oo ay Kulmiye matalayso”ayuu Yidhi Maxamed Sidiiq Dhame  Waxaanu intaasi ku daray “Xisbiga Waddani waxaa uu kalsoonidii dhexdhexaadnimo kala noqondoonaa Dallada SONSAF, Waxaanu warqad u qori doonaa Dawladaha Somaliland ka taageera Doorashooyinka”

Dallada SONSAF waa ururka jillayaasha ururada aan dawliga aheyn kuwaasi oo ka dhex shaqeeya Bulshada, dawlada, Xisbiyada iyo haayadaha Caalamiga ah.