Xiisadda Diblumaasiyadeed Ee Sucuudiga Iyo Masar Oo U Soo Talowday Bariga Afrika Iyo Kala Hororsiga Itoobiya Iyo Uganda

0
586

La taliyaha gaarka ah ee boqorka dalka Sucuudiga Axmed Al-Khadiib ayaa mar uu toddobaadkan tegey dalka Itoobiya waxa uu booqday biyo xidheenka dalkaasi ka faruurayo webiga Niilka ee Al-Xadaasa, waxa aanay arrintaasi durbadiiba walaac gelisay dalka Masar oo aad uga baqa qaba in biyo xidheenkaasi dhaawaco xaddiga ay ka hesho biyaha Niilka oo ah 55.5 Bilyan oo Meter Cubic sannad kasta.

Warar lagu baahiyey wakaaladda wararka Turkiga oo Geeska Afrika turjumay ayaa masuul sare oo la socday waftiga la’ taliyaha boqorka ka soo xigtay in Axmed Al-Khatiib uu magaalada Addis Ababa soo gaadhay Jimcihii in dhaafay, masuuliyiinta uu la kulmayna uu ka mid  ahaa agaasimaha mashruuca biyo xidheenka Samanju Baqli oo ay ka wada hadleen suurtogalinta dab-ka-dhalinta biyo xidheenkan.

Muddooyinkii u dambeeyey waxaa sii xumaanaya xidhiidhka dalalka Masar iyo Sucuudiga, kadib markii xiisad diblumaasiyadeed ay labadan dal ka dhex abuurantay markii dalka Masar uu hakiyey fulinta heshiis uu madaxweynaha dalkaas Cabdifataax Siisi la galay Sucuudiga oo la  xidhiidhay wareejinta laba jasiiradood oo labada dal lahaanshiyahooda ku muransan yihiin, dawladda Sucuudiguna ay kaga jawaabtay joojinta shidaalkii ay dalkaas qiimaha jaban ku siin jirtay. Waxa aanu xaalku cirka isku sii shareeray markii Masar oo ku fadhiday kursiga xubinta aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka Qaramada Midoobey ay dhowaan u codaysay go’aan uu golaha hor keenay dalka Ruushka oo la xidhiidhay dhibaatada Suuriya, kaas oo Sucuudigu si adag uga soo horjeeday, iyada oo si guudna labadan dal ee Sucuudiga iyo Masar si weyn ugu kala aragti duwan yihiin arrinta Suuriya.

Dhinaca kalana talefishanka dawladda ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in la’taliyaha boqorka Sucuudigu uu kulan la qaatay raysalwasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn, warka uu talefishanku sii daayey waxa uu intaas ku daray in kulankaas ay labada masuul isku waafaqeen in la sameeyo guddi wada jirah oo ka shaqaysa iskaashi ay Sucuudiga iyo Itoobiya ka yeeshaan koronto ka dhalinta biyaha, isaga oo sida warku sheegay, raysalwasaare Hailemariam Desalegn uu boqortooyada Sucuudiga ka codsaday in ay gacan farsamo iyo maalgashiba ka geysato biyo-xidheenka. Raysalwasaaraha Itoobiya waxa uu masuulkan u sheegay in dalkiisu aad u danaynayo in Iskaashi uu kala yeesho dalka Sucuudiga dhinaca tamarta, jidadka, korontada, beeraha iyo dalxiiska. Iyada oo uu dhinaciisana la’taliyaha boqorka Sucuudiga Axmed Al-Khatiib ku yidhi raysalwasaaraha Itoobiya, “Waxaa jira dhinacyo badan oo aad u muhiim ah oo ay labada dal ka wada shaqayn karaan, si ay u xoojiyaan una adkeeyaan xidhiidhadooda dhaqaale iyo diblumaasiyadeed” Masuulkan Sucuudiga ahi waxa kale oo uu kulamo la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, oo uu u sheegay in maalgashadayaasha Sucuudigu ay jecel yihiin in ay ka shaqeeyaan dhinacyada maalgashi ee kala duwan ee dalka Itoobiya.

Waxaa xusid mudan in booqashada Al-Khatiib ay tahay tii labaad ee masuul sare oo Sucuudi ahi uu maalmo gudahood ku tago dalka Itoobiya, iyada oo uu toddobaadkii ka horreeyeyna Itoobiya tegey wasiirka deegaanka, biyaha iyo beeraha ee Sucuudiga Cabdaraxmaan Cabdalmuxsin Alfadli.

Fal-celinta Masar:

Madaxweynaha dalka Masar Cabdalfataax Siisi ayaa Axaddii toddobaadkan booqasho kedis ah ku tegey dalka Uganda, sida lagu sheegay warmurtiyeed ka soo baxay madaxtooyada Uganda Madaxweynaha dalkaas Yoweri Museveni waxa ay madaxweynaha Masar ka wada hadleen mashruuca marin-biyoodka isku xidhaya badda Mediterranean ka iyo harada Victoria. “Labada madaxweyne waxa ay isla qireen muhiimadda ay leedahay in laga wada shaqeeyo sidii loo qaadi lahaa tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah, fulinta mashruucan, marka daraasad hadda lagu wadaa ay soo dhammaato, sidoo kale waxa ay isla garteen in ay xil iska saaraan sii wadista dadaallada wada jirka ah, ee lagu gaadhayo xasiloonida iyo horumarka Afrika, gaar ahaan dalalka ku xeeran darka webiga Niilka, gobalka harooyinka waaweyn iyo weliba Geeska Afrika” ayaa lagu yidhi warmurtiyeedkan.

Tan iyo sannadkii 2015 kii waxa socday dadaal ay Masar iyo Uganda ku doonayaan isku xidhka harada Victoria oo ah harada ugu weyn harooyinka waaweyn ee badhtamaha Afrika, iyo badda dhexe ee Mediterranean, kaas oo dalka Uganda iyo dalalka haradan wadaaga ama ku dhow oo badankoodu aan bad lahayn u suurtogelin doonta in ay helaan marin dhinaca badda ah, halka Masar ay iyaduna mashruucan u taageerayso si ay uga faa’idaysato marinkaas oo u sahli doona xidhiidh ganacsi oo ay badeecadaheeda iyo wax-soo-saarkeeda beeraha iyo warshadaha ugu geyso 11 ka dal ee harooyinkaas ku teedan.

Kala hororsiga dalalka Bariga Afrika:

Booqashada Siisi oo ahayd mid aan hore loo sii shaacin, ayaa timid isla maalmo gudahood markii uu masuulka Sucuudiga ahi booqday Biyo xidheenka Al-Hadaasa ee dalka Itoobiya, waxa aanay dadka arrimahan lafa gurayaa sheegayaan in uu yahay dadaal ay Masar doonayso in ay Sucuudiga teed kaga xidho dalalka kale ee webiga Niilku maro si aanu ula gelin heshiisyo dhiirri gelin kara in ay carqaladeeyaan xidhiidhka Masar iyo weliba saamiga sad-bursiga ah ee uu dalkaasi ka helo biyaha Niilka.

Waxaa muuqata in dalka Sucuudigu uu isu diyaarinayo in uu dalka Masar kaga aargoosto tallaabooyin ay ugu culustay in uu xidhiidh dhow la samaysto dalalka uu maro webiga Niilku isaga oo dhaqaalihiisa baaxadda leh u adeegsanaya soo dhoweysashada dalalkan Webiga Niilku maro oo dhammaantood ah dalal faqiir ah oo u baahan maalgashi, isla markaana dareensan in dalka Masar uu saami cadaalad darro ah ka qaato biyaha webiga.

Dalka Masar ayaa ku doodaya in harada Itoobiya dhisaysaa marka ay dhammaato ee biyaha koowaad ee webiga lagu soo faruuro si ay u buuxsanto, ay Masar buuxsankaas koowaad oo keliya ku waayi doonto biyo aanay ka maarmi karin. iyada oo buuxsankaasina uu muddo sii socon doono, kadibna uu si guud biyaha webiga ee gaadha Masar isu dhimi doonaan. Waxa se’ taas kaga daran in haradani ay Itoobiya u suurtogelin doonto in ay iyadu xakamaha u hayso biyaha Niilka buluugga ah ee ka soo rogmada buuraleyda dalka Itoobiya, waana arrin haddii ay sidaas u dhacdo halis gelinaysa amniga Qaranka ee Masar, sidaa awgeed intii awooddeeda ah Masar waxa ay waxa  ay isku dayeysaa in ay hor istaagto mashruuca biyo xidheenka Itoobiya iyo mashruuc kasta oo dalalka uu ka yimaaddo Niilku doonayaan in ay biyahan uga faa’idaystaan si ka badan inta hadda.

Sannadkii 2013ka ayaa kulan madaxweynihii xilligaas ee Masar uu la lahaayeen la’taliyeyaal sare oo milateriga, sirdoonka iyo siyaasadda Masar ka tirsan waxaa hadalladii kulankan albaabadu u xidhnaayeen si qarsoodi ah sameecad ugu furay talefishan si toos ah u sii daayey, hadalladii la maqlayna ay ka mid ahayd fikir ay ku jirtay in Masar ay weerar cirka ah ku qaaddo biyo xidheenka Itoobiya oo ay burburiso. In kasta oo uu Mursi shakhsiyan u aaminsanaa in aan Itoobiya xoog lagu deyin ee dano kale lagu qanciyo, haddana hadalkaasi waxa uu shaki geliyey dalka Itoobiya.

Comments

comments