“Waa Ayaan Daro Inaynu Siyaasad Ku Mashquulno Iyadoo Dadkeenii Gaajo U Dhimanayaan”Xildhibaan Obsiiye

0
1080

Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye, ayaa ka hadlay xaalada uu dalka ku jiro,abaarta baahsan ee dalka ku habsatay iyo muranka siyaasadeed ee taagan, waxaanu sheegay in madaama abaar xumi jirto, oo dadkii dhibaataysan yihiin in aan loo baahnayn muran siyaasadeed, ee loo baahan yahay in dadkaas loo gurmado.

Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaana yidhi “Abaartii way daba dheeratay, inta badan dalkii wey ku baahday, oo dadkeenii haraad iyo gaajo ayaa haysa, xoolihii wey dhimanayaan, waxaynu u baahan nahay in dadkeenaas dhibta la qaybsano, oo caawino, ee uma baahnin muran siyaasadeed iyo inay Axsaabta iyo Siyaasiyiintu murmaan oo is cambaareeyaan, waana ayaan daro inaynu Siyaasad ku mashquulno iyadoo dadkeenii gaajo u dhimanayaan, ee aynu fadhiga ka kaacno oo aynu Siyaasada meel iska dhigno, maanta oo kale waa maalintii dadkeenaas dhiban wax tari lahayn, ee maaha maalintii aynu murmi lahayn, kuna murmi lahayn Siyaasad iyo wax la mid ah”.

Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye mar uu ka hadlaayey Abaarta iyo in bariyada ALLE la badiyo ayaa yidhi “Abaar xun ayaa ina haysa, ee baryada ALLE aynu badino, oo roob doon aynu tukano, oo aynu isa saamaxno, oo aynu ka dheeraano wax kasta oo ALLE cadho galinaya, oo aynu isku naxariisano, maanta (shalay), meelo badan ayuu roobku ka da’ay ee ILLAAHAY ha inoogu wado”