Madaxweyneyaasha Ruushka Iyo Turkiga Oo Si Isku Mid Ah Uga Hadlay Dilkii Safiirka Ruushka Ee Ankara.

0
994

Madaxweynaha Turkish Tayyip Erdogan ayaa sheegay in isaga iyo dhigiisa dalka Ruushka Vladimir Putin labadoodaba isku raacsan yihiin in dilkii Ergayga Moscow ee Ankara uu ahaa fal ay ka danbeeyaan kuwa raadinaya in ay burburiyaan xiriirka ka dhaxeeya labada dal.

“Waxaan ognahay in tani ay tahay ficil ula kac ah oo loogu talagalay in lagu burburiyo habka caadiga iyo xiriirka ka dhexeeya Turkey iyo Russia,” ayuu yiri Erdogan oo si toosa uga hadlay telefishanka ka dib markii uu telefoonka kula hadlay Putin.

Andrey Karlov Ergayga Moscow ee Ankara ayaa toogasho lagu dilay, isagoo hadal ka jeedinaya furitaanka madxaf lagu soo bandhigay sawirro oo la magac baxay “Ruushka sida ay u arkaan Turkiga”.

Ninka argagaxisada ah ee toogtay ergayga ayaa loo aqoonsaday 22-sano jir lagu magacaabo Mevlut Mert Altintas, kaaso ka mid ahaa ciidamada bilayska ka-hortagga rabshadaha ee Turkishka muddo seddex sano ah.

Altintas ayaa waxaa dilay booliska Turkish ka dib dilka Ergayga. Erdogan ayaa ku daray hadalkiisa in xiriirka ka dhexeeya Turkey iyo Russia uu aad muhiim ugu yahay gobolka islamarkaana kuwa doonaya inay wax yeeleeyaan xiriirka labada dal ay marnaba ku guulaysan doonin.

Putin ayaa sidoo kale sheegay in dilka uu ahaa ficil loogu talagalay shirqool la doonayo xiriirka sii wanaagsanaanaya ee u dhexeeya Russia iyo Turkey iyo tallaabooyinka la qaaday si loo xaliyo dhibaatada ka jirta Syria.

“Dambiga la galay ayaan shaki iiga jirin in loogu talagalay carqaladeynta xiriirka caadiga ah ee Ruushka-Turkishka iyo in la khalkhal galiyo geeddi-socodka nabadda ee Suuriya oo si firfircoon uga qayb qaateen hormarka, wadamada Turkey, Ruushka iyo Iran,” ayuu yiri Putin inta lagu guda jiro hadal uu si toos ah uga jeediyay telefishanka.

“Waxaa jiri kara oo keliya hal jawaab ee arintaan – in la labanlaabo dagaalka ka dhanka ah argagixisada, iyo burcada taasoo ay dareemi doonaan,” ayuu hadalkiisa raaciyay. Putin ayaa sidoo kale sheegay in Moscow ay Ankara u dirayaan baarayaasha in ay baaritaan ku sameeyaan dhacdada, isagoo intaa ku daray, “Waa in aan ogaanaa cidda gacanta dilaaga amarkeeda ka danbeeyay.”

Dhinaca kale baaritaanka dilka safiirka Ruushka ee Ankara ayaa diiradda lagu saaraya suurto galka ah in dhaqdhaqaaqa Gulen ay ku lug leeyihiin, ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Turkey oo la hadlay Al Jazeera.