Sucuudiga Oo Heshiis Dhoofka Xoolaha Iyo Khudaarta Ah La Saxeexday Dalka Urdun, Xili Uu Joojiyay Xoolihii Uu Somaliland Looga Dhoofin Jiray.

0
848

Sucuudiga Oo Heshiis Dhoofka Xoolaha Iyo Khudaarta Ah La Saxeexday Dalka Urdun, Xili Uu Joojiyay Xoolihii Uu Somaliland Looga Dhoofin Jiray.

Waddamada Sucuudiga iyo Urdun ayaa si rasmi ah u kala saxeexday heshiis ganacsi oo dhigaya in dalka Urdun u soo dhoofiyo dalka Sucuudiga noocyo ka mid ah Xoolaha nool iyo Khudaarta, xilli Sucuudigu xayiraad kusoo rogoy dhoofka Xoolaha nool ee Soomaalida.

Safiirka Dalka Sucuudiga u fadhiya dalka Urdun, Fahd Ibn Abdirahman Zeyd ayaa sheegay in arbacadii toddobaadkii hore Boqortooyada Sucuudigu la saxeexatay Boqortooyada Urdun, heshiis u oggolaanaya inay u soo dhoofiso Adhiga iyo Baradhada dalka Sucudiga, taasi oo ka dambaysay markii ay Dawladda Ciraaq joojisay, tamaandhadii ay ka heli jirtay dalkaasi.

Waxa sidoo kale dhinaca kale caddeeyeen, iyadoo la raacayo shuruudihii dalka Sucuudigu ku xidheen, inay Wasaaradda Xoolaha iyo Beeraha ee Urdun ay la saxeexatay Sucuudiga heshiis ah inay u dhoofinayso 14,000 madax oo adhiya dalka Sucuudiga, adhigaasi oo muddo 21 cisho ah ku sugnaa Maxjarrada dawladda, kuwaasoo buuxiyay shuruudihii caafimaad ee caalamiga ahaa.

Dhinaca kalena Waxa la sheegay in ay Khubaro ka socotay dalka Sucuudigu ay tageen dalka Urdun, bishii ina dhaaftay, si ay u soo hubiyaan bed-qabka iyo xaaladda caafimaad ee xoolaha dalkaasi, Waxaanay khubaraddaasi caddeeyeen in uu adhigaasi buuxiyay shuruudihii dhoofitaanka ee ay wada dhigteen labada dal. Heshiiskaasi shaybaadh oo ay fulinayaan, labada Maxjar ee la kala yidhaahdo Sirra iyo Mufraq ee ruqsadda ay siisay wasaaradda Xoolaha iyo Beeraha ee Urdun, taasoo lagu ansixiyay adeegyada caafimaad ee ay qabanayaan, iyadoo xilligan la siinayo ahmiyadda ugu weyn, inay xoolahaasi si gaar ah looga baadho inay qabaan xummadda Rift Valley iyo in kale.

Wasaaradda ay joojisay bixintii ruqsadaha dhoofinta xoolaha nool, muddo 3 toddobaad ahayd, iyadoo sheegtay inay sugaysay, natiijada kasoo baxaysay daraasaddii lagu sameeyay suuqa Gudaha iyo Saamaynta uu heshiiskani cusub ku yeelan doono, iyadoo laga duulayo tirakoobkii xoolihii la dhoofiyay ee ay samaysay Wasaaraddu Xoolaha iyo Beeraha ee Urdun oo sheegtay in 350,000 madax oo adhiya la dhoofiyay sannadkii hore.