Muuse Biixi Oo Jawaab Sarbeebban Ka Bixiyey Farriimo Uu Mulkiillaha WADDANI Kasoo Diray Huteel Ay Kaadirriin Xisbigiisa Ahi Nairobi Ka Degannaayeen

0
939

Guddoomiyaha Ahna Musharraxa KULMIYE Waxaa Uu  U Magac Bixiyey Weftiga WADDANI Ee Kenya Oo Uu Ku Suntay reer GEELLE Maroor”

“Xisbigii WADDANI Geelle Maroor Buu Noqday Oo Wuxuu Kasoo Qaliyey Nairobi, Waxanse Leeyahay Huteelka Serina Toban Reer Geelle Maroor Ah Baa Saddex Kun Habeenkii Ku Seexda, Cuntaduna Waa Boqol Dollar Ninkiiba, [Isu Geynta Lacagtaasi] Tobankii Cisho Waa Soddon Kun Oo Dollar, Taasina Waxbay Ka Qaban Lahayd Abaarta Jirta”

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ahna Musharraxa kursiga madaxweynaha ee xisbigaas Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si cilmiyeysan jawaab uga bixiyey hadallo dhawaanahan kasoo yeedhayey masuuliyiin katirsan xisbiga WADDANI kuwaasoo dalka dibaddiisa ku maqan. Guddoomiye Muuse Biixi shalay hadal ka jeediyey furitaanka shirka garabka dhalinyarada heer qaran ee xisbiga KULMIYE waxaauu   uu xisbiga WADDANI kula taliyey inay lacagta ay huteellada qaaliga ah ku bixinayaan kaga qayb qaataan abaaraha dalka ka jira. Isaga oodhinaca kale si duur xul ah hadalladooda ugu suntay sheekooyin sarbeeban. Mr. Muuse biixi Waxa uu sidoo kale  si hufan u sharraxay waxyaabaha diirrada lagu saari doono shirweynahan, kuwaas oo ay ugu waaweyn yihiin xoojinta kalsoonida da’yarta iyo weliba is aaminaadda bulshadu, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“qoddobada shirkani falanqayn doono  oo aynu doonayno inaynu halkan ku lafo gurno oo dad aqoonyahan ahi lafo guri doonaan waxa kamid ah inaynu falanqayno kalsoonida dhallinyarada, waayo marka dalalku ay kasoo baxaan dagaallada waxa luma kalsoonida iyo is aaminta dadka iyo wax wada qabsiga, waxana aynu doonaynaa inaynu halkan ku abuurto in da’da yaryar ee dhallinyaradu ay ka baxaan raadadkii dagaalladu maskaxdooda ku sameeyeen oo ay noqdaan qaar iskaashada oo ka baxa qoqobnaanta oo wax isku darsada, Shirkani waxa uu lafo-guri doonaa sidii uu u abuuri lahaa iskaashiga, isku kalsoonida, walaaltinimada iyo wax-wada lahaanshaha dhallinyarada Somaliland oo dhan.” Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu intaas,“Shirku waxa uu dersi doonaa mashaakilaadka dhulka, maantana Somaliland dhibaatada udu weyn waxa kamid mushkiladda dhulka, Jagada Hargeysa ku taalla, ama Burco ama Boorama waxa ay ka qaalisan tahay maanta jagada ku taalla Newyork iyo midda Tokyo, macquulna ma aha, markaa ma hodan-tinimaaa, ma tijaarad aynu gaadhnay baa mise waa dhibaato inagu soo socota. Waa su’aal u baahan inaynu aad u derisno.” Guddoomiyuhu waxa uu sharraxaad dheeri ah ka bixiyey dhibaatada dhulka ee dalka ka taagan, isaga oo si gaar u dul joogsaday mushkilladda ka taagan dhulkii dadka dhinta lagu aasi lahaa oo lacag adag haatan noqday,“Dhulka ilaahay wuu ina wada siiyey, waxana wada leh ka dhintay ee meydka ah iyo ka soo

dhalan doona boqolaalka sano ee soo socda, dadkeena maanta talinayana waxaynu u baahanahay in dhulka loo qabyiyo oo ay wada lahaadaan kuwa dhallan doona boqolaalka sano ee soo socda iyo ka dhintay ee meydka ahi, dhibaatooyinka ina haystana waxa kamid ah in maanta xabaalaha dhul loo iibiyo, dhulkii ilaahay meydka xaqa u siiyey, ayaa maanta lacag aan caqli gal ahayn nin odhanayaa halla iga iibsado, waxa aynu u baahanahay talo aynu dhulka lagu wada lahaado”ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi. Waxa uu Muuse Biixi bulshada xusuusiyey fursadaha hortooda yaalla ee aanay weli ka faa’iidaysan, waxana uu tusaale usoo qaatay sibidhka aynu lacagta adag dibadda kaga soo iibsanno, xilli aynu hagranay wershaddii sibidh Berbera oo u fadhida dhaqaale aan gacanta bulshada ka baxsanayn, waxana uu yidhi,“si aynu shaqo la’aanta uga baxno waa in dadka lihi is aaminaan iyada oo tilmaamo la raacayo, doqoniimooyinka inaga dhacay lixdii sano ee ugu dambeeyey waxa kamid ahi naynu nahay dadka wershidoodii sibidhka samaysan kari waayey ee maanta dalka jaarkooda ah kasoo iibsada sibidh qaali ah ee maanta waddadii  yarayd ee ay samaysteen baabuurta 40-ka tone ahi ay burburiyeen ee aan dhaadaynin, waxana aynu samaysan kari weynay dadkeenii hantiilayaasha ahaa ee waaweynaa ayaa is aamini kari waayey oo wax isku darsan kari waayey oo samayn kari waayey warshadii sibidhka taladii ay isku  aamini lahaayeenna ee ay iyagu wax iskugu darsan lahaayeenna waynu u fadhinaa shirkan maanta aynu joogno.” Guddoomiiyuhu waxa si cilmiyeysan jawaab uga bixiyey hadallo dhawaanahan kasoo yeedhayey masuuliyiin katirsan xisbiga WADDANI oo dalka dibaddiisa ku maqan, waxana uu kula taliyey inay lacagta ay huteellada qaaliga ah ku bixinayaan ugu kaga qayb qaataan abaaraha dalka ka jira,“Xisbigii WADDANI Geelle Maroor buu noqday oo wuxuu kasoo qaliyey Nairobi, waxanse leeyahay waa geddii Geele Maroore waddadii Ceerigaabo anaa samaayey iyo abaarihii baan ka gurmadaye, hadduu Geele Maroor ka guntaday huteelka Serina toban reer Geelle Maroor ah baa seexda, cunatadu waa Boqol Dollar ninkiiba, tobankoodu habeenkii waa saddex Kun, tobankii cishona waa Soddon kun oo dollar, taasina abaarta waxbay ka qaban lahayd abaarta jirta”ayuu yidhi guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.