Xukuumadda Oo Jawaab Kulul Ka Bixisay Eedaymo Uu Cirro Ku Duray Waaxda Fulinta Iyo Musharraxa Xisbiga KULMIYE

0
887
????????????????????????????????????

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Cadaanni), ayaa si adag uga jawaabay eedaymo Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan-Cirro u jeediyey Xukuumadda Siilaanyo iyo Xisbil-xaakimka Kulmiye iyo Masuuliyiintooda, isaga oo sheegay inay wax-qabashada dadka Abaaruhu saameeyeen kaga mashquuleen u ololaynta Kulmiye iyo Musharrixiisa Madaxweynaha Muuse Biixi. Hase-yeeshee, Wasiirka Warfaafinta Mr. Cadaani, ayaa ku dooday inaanay eedahaas waxba ka jirin, isla markaana Xukuumadda iyo Xisbigeeduba si mug leh uga qayb-qaateen Gurmadka Abaaraha, welina ay wadaan. Waxa uu Cadaani intaas ku daray inay Xukuumaddu dedaal badan samaysay, immikana samaynayso oo samato-bixinayso Dadka Abaaruhu saameeyeen. Cabdiraxmaan-Cirro oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland oo Wefti Xisbiga Waddani ka tirsan oo uu hoggaaminayaa ku sugan yihiin Nairobi, ayuu Jimcihii mar uu Saxaafadda kula hadlay halkaas, uu sheegay in Xukuumadda iyo Xisbigeedu ay ka gaabiyeen Farriintii Bulshada Somaliland inay Beesha caalamka gaadhsiiyaan oo ay Xisbi Waddani ahaan ka damqadeen arrintaas, isla markaana ujeeddada Safarka ay Nairobi ku joogaan tahay inay beesha caalamka gaadhsiiyaan farriinta Bulshada Somaliland, sidoo kalena Danaha Somaliland ee Xukuumaddu ka gaabisay kala hadlayaan Safiirrada Safaaradaha dalalka Dunidu ku leeyihiin magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya. Balse, Wasiirka Warfaafinta Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Cadaani), waxa uu sheegay inay Xukuumaddu Beesha caalamka xidhiidh fiican la samaysay, isla markaana Wefti uu hoggaaminayo u qaybsanaha arrimaha Binadaaminnimada Qaramada Midoobay oo ka socda Beesha caalamka ay Somaliland imanayaan 21-ka bishan December ee aynu ku jirno, kuwaasoo uu sheegay inay u socdaan wax-ka-qabashada iyo xog-ogaal u noqoshada xaaladaha Bina-aadaminnimo ee Abaarta Somaliland, gaar ahaan gobollada Bariga ka jirta ka dhashay. “Waxaa ka wareerisay saaxiibaday [WADDANI] waxay arkeen ummaddii JSL oo gobol gobol, xisbiga KULMIYE iyo Musharraxiisa Madaxweyne Muj. Muuse Biixi Cabdi   isku soo shubaysa”. Sidaa ayuuyidhi Wasiir Caddaani, waxana uu intaas  ku daray “dabadeedna taas baa waxaa ay ku riday anfariir iyo amakaag iyo qaylo dhaan aan jirin, sababta ay xisbiga KULMIYE ugu soo shubmayaanna waa xisbi ay dadku hubaan oo Madaxweynaha JSL uu aasaase ka yahay, maantana uu Musharrax ka yahay Muuse Biixi cabdi.