Hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Xirsi Cali Xaaji Xassan ayaa waxaa uu masuulyiinta xilalka ka haya xukuumada ugu baaqay in ay xilaalkaasi qaranka ugu shaqeyaa

” Markii aan dawlada ku jiray qaar baa waxaa ay odhan jireen Xirsi awood buu leeyahay oo Power buu hayaa , waar maanta hadii aanu awood idiin dhiibney ninkii loo dhiiboo dee ku shaqee” ayuu yidhi Hogaamiye Xirsi

Sidoo Kale Xirsi Cali Xaaji Xassan waxaa uu ka war bixiyey waftigii xisbiga Waddani ee safarka ku tagay dalka Kenya oo uu ka mid ahaa waxaana uu sheegay in ay xaq u leeyihiin in ay dadkooda waxii ay u qaban karaan isla markaana ay halkaasi u tageen sidii ay aawimo ugu soo heli lahayeen dadka ay abaaruhu sameyeen .

Dhinca kale Hogaamiye Xirsi waxaa uu sheegay in dawalda Sucuudiga kala hadleen sidii loo fasaxi lahaa xoolihii loo dhoofin jiray oo ay hakad galiyeen.