Saamaynta Abaaharaha &Joojinta Xoolah Dhoofa Ku Yeelan Karaan Dalka S/Land

0
1323
Wefti Uu Hoggaaminaayo Murrashax Cabdiraxmaan Cirro Oo Gar-gaar Gaadhsiiyey Deegaanada Ay Abaartu Sida Xun U Saamaysay + Sawiirro
Wefti Uu Hoggaaminaayo Murrashax Cabdiraxmaan Cirro Oo Gar-gaar Gaadhsiiyey Deegaanada Ay Abaartu Sida Xun U Saamaysay + Sawiirro

Asalama calaykum Bulshada S/land iyo Bahda Mareegaha.
Sida aynu wada ogsoonahay Dalka waxaa ka jirta Abaar baahsan oo saamayn laxaad leh ku keentay guud ahaan bulshada S/land Miyi iyo magaaloba. Eebaheen waxaa aynu ka baryeynaa in uu inooka gargaaro,raxmadiisana inoo furo asaga ayaa awood u lehe,aamiin.

Waxaa ay keentay Abaaartu dhimasho dad iyo xoolahii oo cidhib go’ ku dhow. Waxaa ay keentay in Xoolo dhaqataddii wax uun u hadheen u baro kacaan degaano ka durugsan si ay nolosha dadka iyo hadhaaga xoolahooda u badbaadiyaan. Waxaa ay keentay in qaybo badan oo ka mid ah, reer-Miyiga xoolahiina ka dhamaadeen ay u soo hayaamaan dhinaca magaalooyinka iyaka caydh ah isla cid ka warqabta iyo goobo la degjiyey toona aanay jirin. Waxaa lagu jiraa xaalad aad u qalafsan oo burbur iyo barokac balaadhani Bulshaddii dalka ku habsaday . Ilaa hadeer ma muuqdo Gurmad Xukumadeed,mid Haayado iyo kaalmo toona marka laga reebo weftigii Madaxwaynahu hogaaminayey ee Gobalada Barri u baxay iyaka oo sita magaca gurmaka abaareed balse inta badan natiijadiisi noqday Olole siyaasadeed iyo cod raadis.
Nasiib darro degaano badan ayaa u muqda kuwo aan xukumadda dalka u tirsanayn xatta siyaaasiyin oo la ilawaabay,sida dhinacyada Hawd iyo Hawd Barri oo abaartu si ba’an u saamaysay. Waa deegaanada Bulshada Xoolo dhaqatada iyo Xoolaha dalkuba u badan yihiin. Asbaabaha Xukumadoodu u dhayalsantay iyo gargaar la’aanta ayaa Bulshadu aad isu waydiinaysaa oo aan ilaa hadeer jawaab loo haynin. Dawladdu waa Waalid,Waalidkuna in uu Ubadkiisa u kala eexdo ayaa ah dembi kan u waayn. Taasi awgeed,waa in Bulshadu u sinaato gurmadka iyo baahiyaha taagan mar walba wixii xaq loogu yeesho Xukumadd ahaan.
Masuuliyinta Hogaanka dalka iyo idilkeenba waa in aynu xasuusnaano, Masiibooyinka soo noqnoqday ee mar walba cakiran ee ay ka mid yihiin Abaaraha,Roob la’aanta khilaafaadka iyo caqabada Somaliland hortaagan in ay dhamaan ka dhashaan is-dulmiga, Caddalad Darrada, Eexda, Qabyaaldda iyo, Danyarta la ilaaway iyo isku-dul-noolaanshaha oo aad intaba moodo in ay ka hana qaadeen dalka S/land Isla maalinba maalinka ka dambeeyaa sii xoogaysanayaa. Taasi awgeed, waa in wax badan dib loo eego haddii la doonayo naxariista in xagga eebe la inooka naxariisto oo is-bedel iyo hourmar yimaado.
Waxaa iyana soo korodhay arrinta ah in Sacuud Carabiya joojisay Xoolahii ay dalka ka iibsan jirtay. Kuwaasi oo ahaa lafdhabarta dhaqaalaha dalka guud ahaan Miyi iyo magaaladaba. Haddii arrintaas Xoolo joojinta aan xal degdeg ah loo helina dalku waxaa uu geli doonaa xaaladd u horseeda burbur dhaqaale,shaqo la’aanta oo sii baahda iyo baahi bulsho oo abuurta qalalaase nabad gelyo xumo ka dhalato. Ilaa haddeer kama muuqato Xukumadda S/land dhaqdhaqaaq arrintan Xoola joojinta ku saabsan marka laga reebo Gudi ayaa loo saaray. Taasi oo dabeecadda xukumadeena ah xaalad kasta oo timaada lagu ilaawo gudi ayaa loo saaray.
Xukummada iiyo Goleyaasha Qaranka waxaa looga baahan yahay in aanay iska indho tirin xilka ka saran Bulshadeeda iyo guud ahaan dalkan. Waxaa looga baahan yahay in ay xiligan dhulka dhigtaan lana hakiyo wax kasta oo siyaasad iyo u ololaynteeda ku saabsan. Waxaa looga baahan yahay in ay dhulka dhigato oo ay manta ka xishooto ficilada iyo dadaalka ay uGu jirto sidii ay Kursiga u sii joogi lahayd mar labaadna u hanan lahayd hogaanka dalka keliya.
Xaaladaha dalku ku jiraa waa kuwo halis ku ah mustaqbalka sii jiritaanka Qaranimada Somaliland haddii aan maaro iyo xal degdeg ah wada jir loogu hawlgelin. Waxaa Xukkumada looga baahan yahay in ay dadaal iyo qiime kasta u hurto sidii xayiraada Xoolaha dhoofa xal loogu heli lahaa furtaadimteedda . Waa in ay Wufuud miisaan leh oo xukumadda,Xisibiyada mucaaridka ah iyo Xoolo dhaqataba isugu dhafan u gurmad geliso xal u helidda arrintan cawaaqib xumada dalka ku keen karta haddii ay sii jiitanto. Waa in Xukumaddu xasuusnaato kaalinta Xoolaha ka dhoofayay dalka uGu jiraa bulshowaynta guud ahaan isla yihin ilaha dhaqaalaha kowaad ee dalkan iyo ummadiisa.
Salama calaykum.
Mohamed Adam Omar.
sharrif5@aol.com <sharrif5@aol.com