Dawladda Jabuuti Oo Saxaafadda Ka Codsatay Inay Kala Shaqeyso Wanaajinta Xidhiidhka Somaliland

0
719

Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa markii ugu horeysay Saxaafadda Somaliland ka codsatay in marka Mushkilado ka dhex dhacdo labada Dal aanay Xaaladda dab ku sii shidin ee ay hoos u dhigaan.

Saxaafadda Somaliland, ayaa mararka ay xurguf siyaasadeed soo kala dhex gasho Jabuuti iyo Somaliland waxay dadweynaha gudaha iyo dibaddaba u gudbisaa Warar ku saabsan xurguftaasi, laakiin Dawladda Jabuuti ayaa markii u horeysay sheegtay in la wanaajinayo xidhiidhka labada Dal ee Jabuuti iyo Somaliland, sidaa darteedna ay Saxaafadda Somaliland ka codsanayaan inay kala shaqeyso arrintaasi.

“Mushkilad ayaa marwalba dhacaysa, Ragbaana u jooga xoo xalinaya dhibaatadaas. Waxaynu nahay laba dal oo aan kala maarmayn dhinac walba, oo Dad Walaalo ah ayaa jooga.” Ayuu yidhi, Wasiirka Arrimaha gudaha Dalka Jabuuti oo Shalay isaga iyo Wefti uu Hoggaaminayaa socdaal ku yimaaddeen Hargeysa.

Wasiirka Arrimaha gudaha Jabuuti oo Xasan Cumar Maxamed Burhaan, oo Saxaafadda la hadlay ka dib, kulan ay la yeesheen Madaxweynaha Somaliland, ayaa isagoo si toos ah Saxaafadda ula hadlaya wuxuu yidhi, “Saxaafada markay dhibaato ka dhex dhacdo labada dal ha nagu shidina ee Qaboojiya nala shaqeeya, waxwalba way fiican yihiin, waanuna sii kordhinaynaa mar-dhow (Xidhiidhka labada Dal)..”