Xukuumadda Oo Aan Weli Ka Hadal Warka Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya Ku Sheegtay In Gaadhi Laga Lahaa Somaliland Ku Qarxay Muqdisho.

0
940

Kadib qarax gaadhi oo maalintii Khamiistii ka dhacay Dulleedka magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya, waxaa gaadhigaasi laamaha Sirdoonka ee dalkaasi sheegeen in Lambarka ku xidhnaa gaadhigasi qarxay  laga leeyahay Somaliland.

Telefiishanka Dawladda Soomaaliya maamusho ee (SNTV) ayaa baahiyey in Hay’adda Nabad Sugida Soomaaliya sheegtay in Numbarka gaadhigaas laga leeyahay Somaliland isla-markaana la fashilayay Qarax uu ka maleegayay Gudaha Magaalada Muqdisho oo uu ku qarxay meel Kaantarool ah oo Magaalada Dibadda ka ah, waxayna Sirdoonku sheegeen in iyadoo baadhitaankii lagu jiro gaadhigu qarxay.

Khamiistii hore ayaa gaadhigaasi waxaa uu ku qarxay kaantarool ku yaala Duleedka magaalada Muqdisho ee Siinka-dheer, waxaana ay hay’adda nabad-sugiddaSoomaaliya ay sheegeen in taarikada gaadhiga is qarxiyay ee ay soo bandhigeen tahay mida Somaliland laga isticmaalo ee aanay ahayn mid been abuur ah.

Maalintii Khamiistii waxaa magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya ka socday Doorashada Baarlamaanka ee Xubnaha matalaya Somaliland kuwaasi oo lagu dooranayay xarunta booliiska ee caasimada Soomaaliya.

Xukuumadda Somaliland wali kama ay hadal warkaasi kasoo yeedhay Hay’adda Nabad sugida dalka Soomaaliya, iyadoo arrinkani uu noqonayo fal dawladda Soomaaliya ku wiiqeyso nabad ka jirta Somaliland isla-markaana ku dacaayadeynayso.