Wadahadal U Bilaabmay Xisbibil-Xaakimka iyo Garabka Axmed Muumin Seed Oo La Filayo In Isniinta Midnimo Qalinka Ku Duugaan

0
970

Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye, ayaa shalay magaalada Hargaysa wadahadal uga furmay Garabka uu hoggaaminayo Guddoomiye Ku-xigeenkii koowaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ee dhawaan Xisbigaasi sheegay inuu xilka ka qaaday Axmed Muumin Seed ee la baxay Garabka Toosinta iyo Cadaalada ee Xisbiga Waddani, kaasoo isa.

Kulankaas oo lagu lafo-gurayay sidii Garabka uu Hoggaaminayo Axmed Muumin Seed uga mid noqon lahayeen Xisbiga Kulmiye, ayaa noqonaya kulankii ugu horreeyey ee lays kula af-gartay inuu sii socdo wadahadalku si looga midho-dhaliyo ujeeddada loo wadahadlayo.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf oo Warbaahinta la hadlay shalay markii uu soo dhammaaday Kulankaas oo ay Saxaafaddu dibedda ka joogtay, ayaa sheegay in kulankaasi ahaa wadahadalkii ugu horreeyay ee Xisbiga Kulmiye iyo Garabka Toosinta iyo Cadaaladda ee Waddani u furmay.

“Maanta (Shalay) waxa noo bilaabmay wadahadal Xisbiga Kulmiye iyo Garabka Cadaaladda ee Xisbiga Waddani ee uu hoggaaminayo Axmed Muumin Seed. Wadahadalkiina si wanaagsan ayuu noogu dhammaaday, kulankayaga danbane waxa uu noqonayaa maalinta Isniinta ee soo socota, waxaanan rejaynaynaa inaannu is afgarad wanaagsan gaadhno.” Sidaa ayuu yidhi Xoghayaha guud ee Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf.

Sidoo kale, Xoghayihii Garabka Siyaasadda ee uu Hogaaminayo Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee Xisbiga Waddani Axmed Muumin, oo isna lagu magacaabo Maxamed Abiib, ayaa halkaas ka hadlay, waxaanu sheegay in shirkaasi ahaa mid lagaga hadlayo sidii loo gaadhi lahaa is afgarad iyo midnimo. “Runtii wadahadalkaasi maanta (shalay) ayuu furmay, waxaanan rejaynaynaa in maalinta Isniinta ah ee foodda innagu soo haysa inuu kulanka 1-aad uu qabsoomo, waxaanan rejaynaynaa inuu geeddi-socod fiican ku socon doono.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Abiib.