Muqdisho: Dhimasho iyo Dhaawac badan Oo Ka Dhashay Qarax Gilgilay Dekedda Magaalada Muqdisho

0
742

Ugu yaraan 29 Ruux ayaa ku geeriyooday, Dad Konton ka badanina way ku dhaawacmeen Qarax shalay ka dhacay Xarunta Waaxda Cashuuraha ee Dekedda magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya, kaas oo ay masuuliyaddiisa sheegatay Kooxda Al-Shabaab.
Col Cabdiqaadir Faarax oo ka tirsan Saraakiisha Booliska Soomaaliya, ayaa u sheegay Wakaalada Wararka ee Reuters, in 29 Qof oo u badnaa Dad Shacab ah ay ku dhinteen weerarkaas, isla markaana ay ku dhaawacmeen Dad ka badan 50 Ruux oo qaarkood dhaawacyadoodu culus yihiin.
Afhayeen u hadlay Al-Shabaab, ayaa sheegay in ay weerarka ay la beegsadeen xarun ay lahaayeen Ciidammada Booliiska oo ku dhaw Dekedda Muqdisho, iyaga oo dhinacooda sheegtay in ay ku dileen tiro ka badan inta ay xaqiijinayaan laamaha Amniga dawladda.
Weerarka shalay gelinkii hore ka dhacay naxaawiga Dekedda Muqdisho, ayaa imanaya xilli sidoo kale weerar loo adeegsaday Gaadhi walxaha qarxa laga buuxiyay lagu bartilmaameedsaday maalintii Sabtida ee dorraad Kaantarrool ay Ciidammada dawladda Soomaaliya ku lahaayeen meel dulleedka ka ah kaantarroolkii hore ee Afgooye oo ah Kidin laga soo galo magaalada Muqdisho.
Qaraxyadan ayaa sidoo kale ku soo beegmayaan weerarradani wakhti doorashada Baarlamaanku qaybo Muqdisho ka mid ah ka socoto, sidoo kalena 27-ka bishan loo muddeeyey qabashada doorashada Madaxweynennimo ee Soomaaliya oo Muqdisho ku qabsoomaysa, iyada oo Al-Shabaab marar kala duwan sheegtay inay weerarro lagu hoobtu ku qaadi doonto doorashooyinka Soomaaliya ka dhacaya 2016-ka.