Muniir Axmed Cigaal Oo Fashiliyay Sir Huursanayd Oo Inbadan Dhagaha Bulshada Haysatay Iyo Cod Been Abuur Ah Oo Samaale Loo Ekaysiiyay Oo Madaxweynaha Loogeeyay Intaanu Iscasilin

0
1110

Mulkiilaha Wargeyska Madaxa Banaan ee Somalilandtoday Muniir Axmed Cigaal oo Imika ka mid ah Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo Mudo todobaad ka badan ku xidhnaa Saldhiga dhexe ee Magaaladda Hargeysa, dibna Xoriyadiisa u helay, ayaa badka soo dhigay Dhacdo wax badan huursanayd oo Bulshada intii maqashay Markhaatigeeda iyo wakhtigeeda sugaysay ,Taasi oo ku saabsanayd Cod sir ah oo laga duubay Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyadda Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale oo loo geeyay Madaxweynaha Somaliland,taasi oo soo shaac baxday Wakhtigii uu Samaale Iska Casilay Xilka uu ka hayay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo,Waxaana wakhtigaasi lagu baahiyay shabakadaha wararka,Inkasta oo aan la helin cid shaahid ah oo warkaasi bulshada u faah faahisa.
Wakhtigii Uu Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Samaale Iska Casilay Wasaaraddii loo badelay ee Waxbarashada oo imika uu ka soo wareegay Sanad iyo dhawr bilood ayaa waxa suuqyada Siyaasada soo galay in Madaxweynaha iyo Samaale la isku diray,Waliba Khidad uu dejiyay Wasiir Cali Mareexaan ay Samaale iyo Madaxtooyadu ku kala xidhiidh furteen,Waxaa waagaasi la sheegay in Cod been abuur ah oo dhagaysi ah oo loo ekaysiiyay Codkii samaale oo Madaxtooyadda lagu caayayo loo Geeyay Qoyska Madaxtooyada,Waxaana Sida la sheegay arintaasi ay keentay inuu xumaado xidhiidhkii Madaxweynaha iyo Cabdicasiis Samaale. Waxaa markii dambena dhacday in Madaxweynaha loo soo jeediyay inuu Samaale oo Safar fog ku maqan uu shaqada ka caydhiyo isagoo diiday inuu eryo,Balse sida la sheegay uu Markii dambe ogolaaday inuu xil badel ku sameeyo,waxaana dhacday in Samaale ka Xumaaday in Isagoo safar ku maqan dhabar jabin lagu sameeyay,iyadoo taasi keentay inuu islamarkiiba iska casilo Xilkii loo badelay oo Wasaaradda Waxbarashada ahayd.
Hadaba,Muniir Axmed Cigaal waxa uu ka mid ahaa Dhalinyartii sida toos ah uga ag-dhawayd Madaxtooyadda Somaliland ee ku xidhnayd Wakhtigaasi,islamarkaana wax badan kala socday Dhacdooyinkii iyo Gabood faladii ay ku kacayeen Wasiiro uu ugu horeeyo Wasiirka Hawlaha Guud Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) oo wax badan kala shaqayn jiray Qasriga ka hor intaanu Wasiirka Noqon ee uu Xildhibaanka ahaa. Muniir oo u soo araartay Cali Mareexaan, fashiliyayna arintan ayaa waxa uu yidhi “Xilligii Maxamed Siyaad Barre dadkii jiray ama saxaafadda ka arkay baa garanayee waxa jiri jiray nin la odhan jiray Cali Khadiijo oo ninkaasi Golahii kacaanka iyo Madaxtooyadii ayuu isu basaasi jiray oo qasriga Madaxtooyada ayuu wararka u keeni jiray, aad nin u firfircoon buu ahaa oo waxa uu aad ugu xidhmay Marwadii Madaxweynaha ee Siyaad Barre ee Khadiija Macalin oo aad buu u dedaali jiray oo kolba ninkii ama siyaasiga kacaandiidka wixii la odhan jiray ah ayuu sawiri jiray oo uu faaleyn jiray oo xilligaas wax lama duubi jirin oo Teknolojiyadan lama hayninee maskaxdiisa ayuu wax ku duubi jiray,”
Waxa uu yidhi Isagoo hadalkiisa sii wata“ninkii siddii uu siddii u waday Golahii wasiirada ayuu ka mid noqday, deed na waxa uu yeeshay tilmaan caan ah oo golahii wasiiradu u yaqaanaan oo waxa loo bixiyey Cali Khadiija, Cali Mareexaana waxa aan lee yahay waa Cali Khadiija oo ninkaas aynu sheegay iyo Cali Mareexaan taariikh isku mid ah ayey wada lee yihiin, sida uu Baarlamaanka ugu qaabilsanaa Madaxtooyada Somaliland, sida uu siyaasiyiinta musawirka ugu bixinaayey oo “Samaalaha maanta garan maayo sida uu damiir ahaan u la socdee wax buu ka rikoodh gareynaayey oo caddaan bay ahayd Samaale-na waa og yahay siddii baana uu Cali Wasiir uu ku noqday.” ayuu yidhi siyaasi Muniir Axmed Cigaal oo hore warbaahinta uga mid ahaa wakhtigana ah siyaasi Mucaarida.