Prof. Cali Khaliif Galaydh Oo Ka Hadlay Rejada Uu Ka Qabo Wadahadallada Somaliland & Kooxdiisa Khaatumo.

0
1031

Hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galaydh, ayaa ka hadlay wadahadalada u dhexeeya xukuumadda Somaliland iyo kooxdiisa Khaatumo, waxaannu sheegay in wada hadalkaasi uu diyaar yahay, isla markaana uu meel fiican marayo.

“Miyaad haysaan cid aan Somaliland ahayn oo ina Ictiraafsan oo leh annaga iyo Khaatumo ayaa wada hadlayna, Puntland miyaad ka haysaan, wali Puntland miyay tidhi Khaatumo ayaanu maamul ahaan ula xaajoonaynaa? kor iyo hoos midna miyay u yidhaaheen?, Somaliland warka aanu ka heynaana waa wada hadlaynaa, waanu heshiineynaa, arrimo culus baa noo yaala Ilaahayna waxaannu ka baryaynaa qadiyad xaqa ayaanu leenahay inuu nagu taageero,’’ayuu yidhi siyaasi Cali Khaliif Galaydh oo ka hadlay xaflad kooxdiisu ku qabsatay magaaladda Buuhoodle.

Mr. Galaydh waxa uu beeniyay warar laga sheegay isaga iyo xubnihii la socday oo la sheegay inay Hargeysa tagayaan, waxaannu yidhi “Wadahadalka aanu wada gelayno annaga iyo Somaliland-na waa mid miiska saaran. Waxa nalaga sheegay oo la yidhi waxay doonayaan inay tagaan Hargeysa, Hargeysa umaanan socon ee hawlo kale ayaanu u tagnay.”