Jamaal Cali Xuseen Oo Bannaanka Keenay Hab-dhaqanka Cusub Ee Ay U Jihaysantay Siyaasadii Axsaabta Qaranku Iyo Sawirka Uu Ka Bixiyay Qaabka Cirro Iyo Siilaanyo Salaanka Siyaasada Ku Soo Koreen

0
1393
Nuxurka Kulamo Qarsoodi Ah Oo Dhexmaray Muuse Biixi Iyo Jamaal Cali Xuseen, Waxyaabaha Diiradda La Saaray & Libin Siyaasadeed Oo Markale Midigta Guddoomiyaha KULMIYE Soo Gashay
Nuxurka Kulamo Qarsoodi Ah Oo Dhexmaray Muuse Biixi Iyo Jamaal Cali Xuseen, Waxyaabaha Diiradda La Saaray & Libin Siyaasadeed Oo Markale Midigta Guddoomiyaha KULMIYE Soo Gashay

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa duur xul siyaasadeed ku soo dhex tuuray Bulshada Somaliland isagoo xalaalaysanaya Hadiiba ay dhacdo inuu ku biiro Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye oo ay u sansaan egtahay inuu qorshaystay,Xisbigaasi oo uu horjooge ka yahay Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo ay hayb wadaagaan,islamarkaana uu ka boqe-qabo in Bulshadu in hannaan Qabiil iyo beel loo turjunto Ku biiristiisa,balse waxa uu iftiimiyay in Rag waa weyn oo siyaasada uga sii horeeyay ay jidkaasi baneeyeen oo aanay Somaliland Ceeb ka ahayn.
Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa Bulshada Reer Somaliland u iba-furay islamarkaana Uur dooxay hanaanka ay u dhisan yihiin Axsaabta Siyaasadu,kaasi oo ka soo bilaabay Shirkii Gar-Adag ee uu Madaxweyne Siilaanyo u qabtay Beeshiisa islamarkaana ay ugu soo tasheedeen inay ku mitidaan oo ay Kula guntadaan inuu hogaanka dalka qabto iyadoo shirkaasi lagu soo heshiiyey Siilaanyo Iyo Gudoomiyaha Golaha Guurida Saleebaan Maxamuud Aadan oo aad ukala afkaar iyo siyaasad fogaa. Waxa uu Jamaal sidoo kale badka soo dhigay Shirkii ay qabsadeen Beesha Habar-yoonis ee lagu soo heshiisiiyay Siyaasiyiinta Beeshaasi,gaar ahaan Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Cirro iyo Dr Maxamed Cabdi Gaboose oo aad ukala afkaar fogaa, islamarkaana laba Xisbi Siyaasi kala hogaaminayay kuwaasi oo lagu soo tashliiliyay in midkii Xisbigiisu doorashada ku hadhaa uu ka kale ee soo baxay uu taageero.
Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay in Hadii uu ku biiro Xisbiga Kulmiye aanu jabinin dayrkii Makka ee jidkaasi looga horeeyay oo aanay noqon doonin mid bulshadu kula yaabto,Waxaana ka mid ahaa kalmadihii uu Arintaasi kaga hadlay “Adeer hadii aan Muuse Biixi Raaco,Wax dhibaato ahi kuma jiraan,Dr Maxamed Cabdi Gaboose waa kii ku biiray Cirro Isagoo la col ahaa,Ninka kale Gudoomiye Saleebaan Gaal waakii ku biiray Siilaanyo ee la heshiiyay, Ninkaasiba Adeer Gaalo maaha,Siyaasudana waligii waa jiri jirtay niman Col ahaa oo marka dambe isku biira,Waata la dhaho,Siyaasadu Saaxiib joogto ah malaha ee Dan joogto ah ayay leedahay,Taana Somaliland ayaan ku bartay”.Ayuu yidhi Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen.
Hadalkaasi Jamaal Cali Xuseen uu ku garnaqsaday ee uu ka soo hor mariyay ku biiristiisa Kulmiye ayaa doodo badan ka dhaliyay Baraha Bulshadu ku xidhiidho,Waxaanay dadku intooda badan uga doodeen oo ay aragtiyahooda uga hadleen si togan oo ay u arkeen mid Macquul ah oo looga horeeyay,islamarkaana soo taxnayd oo la da’ tirsanaysa Samaysanka Axsaabta Siyaasada Somaliland. Waxa ay dadka qaar iftiimiyeen inaanu Jamaal Wax qalad ah ku lahayn ee ay tahay Hab dhaqan cusub oo uu ka tagayo Madaxweynaha Hogaanka dalka hayaa oo isagu ugu horeeyay Habdhaqankan, islamarkaana hayaankii uu kursiga u soo maray ay ka mid ahayd inuu shir biileed iskugu keenay Beeshii inyar ka hor tartankii labaad ee Madaxtinimada uu ugalay kadib markii uu kii hore ku guuldaraystay,Kaasi oo uu u arko fikirkaasi mid ka mid ah Ahdaaftii uu guusha ku hantay maadaama oo beeshiisu ugu codaysay Hal daba la’. Waxa ay Bulshada Somaliland si gaar ah isha ugu haysaa Tartanka Doorashada Soo socota iyo sida ay uga duwan tahay kuwii hore,iyadoo si gaar ah looga walaacsan yahay qaabka ay Axsaabta siyaasada iyo Siyaasiyiinta hanka lihi u raadinayaan taageerada oo aad uga duwan kuwii hore,islamarkaana sii casriyawday oo beelo iyo Abtirsiimo maraysa.