Wakiilka Somaliland ee Denmark oo Lagu Soo Dhaweeyay Hargaysa

0
915
Wakiilka Somaliland ee Denmark oo Lagu Soo Dhaweeyay Hargaysa

Wakiilka dawladda Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Denmark Muuse Sheekh Muxumud Case, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey magaaladda Hargeysa.

Ambassador Muuse oo ka soo kicitimay wadanka Denmar, markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha Hargaysa waxaa soo dhawayntiisa ka qayb qaatay dadweyne aad u badan oo isugu jiray siyaasiyiin, xildhibaano, cuqaal iyo xubno kale oo isugu jiray ahween iyo dhalinyaro.

Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye, oo ka mid ahaa masuuliyiintii danjriaha soo dhaweeyay oo halkaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa Ambassador Muuse Sheekh ku tilmaamay in uu yahay nin ku culus dalka iyo dadka Somaliland.

Sidoo kale Dr. Aadan Jibriil, oo isna ka mid ahaa xubnihii safiirka Somaliland ee Denmark Hargaysa ku soo dhaweeyay ayaa danjiraha ku qaabilay erayo soo dhawayn ah, isagoo xusay Muuse Sheekh Maxamuud uu yahay nin aqoon yahan ah.

Waxaanu yidhi “Waxaanu halkan ku soo dhaweynaynaa Ambassador Muuse, oo runtii ah nin aqoonyahan ah, isla markana hawl-kar ah. Waxanu leenahay ku soo dhawoow dalkaagii hooyo”.

Suldaanka guud ee beelaha Ayuub Suldaan Aadan Suldaan Faarax, oo isna soo dhawaynta danjiraha ka hadlay ayaa sheegay in si kal iyo laab ah ay u soo dhawaynayaan safiirka Muuse Sheekh. Waxaanu tilmaamay in dajire Muuse uu yahay nin ku culus qaranka Somaliland.

Ugu danbayn danjiraha Somaliland u fadhiya dalka Denmark, oo ka hadlay goobtii lagu soo dhawaynayay ayaa si weyn ugu mahad naqay dhamaanba dadweynihii kala duwanaa ee soo dhawayntiisa ka qayb qaatay.

“Runtii waad ku mahadsan tihiin sida aad iigu soo dhawayseen Hargeysa, oo ah dalkaygii hooyo. Waxa kale oo aan salaamayaa madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), anigoo waliba salaan uga sida jaaliyada reer Somaliland ee Demark iyo gudoomiyaashooda-ba”ayuu yidhi danjire Muuse Case.

Isagoo hadalkiisa sii watay-na waxa uu yidhi “Waxa kale oo aan salamayaa wasiirka arrimaha dibada oo dalka Demark todobaadkii hore noogu yimid, oo tallo iyo tusaale na siiyay, dalkana nooga xog-waramay halka uu marayo.”