Nuxurka Kulan Ay Saddexda Xisbi-qaran Iyo Guddida Doorashooyinku Wada Yeesheen

0
1102

Hogaamiyayaasha xisbiga siyaasada somaliland ayaa maalintii shalay kulan ballaadhan oo saxaafaddu dibad-joog ka ahayd  la qaatay guddida doorasooyinka qarank

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta guddida doorashooyinka ee magaalada Hargeysa, ayaa lagaga hadlay arimo la xidhiidha doorashooyinka iyo sida ay u socdaan hawlaha guddida ugu diyaar garoobayso in doorashadu ku dhacdo wakhtigii loogu tala galay.

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay kulanka ay la yeesheen guddida doorashooyinka Somaliland, ayaa waxa uu yidhi, “Maanta(shalay) kulankan aanu yeelanay waxa uu ahaa kii caadiga ahaa, had iyo goorna wada tashi ayaa naga dhaxeeya guddida doorashada warbixintii u dambaysay  ayey na siinayeen aad ayaanay u wanaagsan yihiin arimuhu wax

ka qabyo ahina ma jiraan, jadwalkoodii ayaanay ku socdaan, anaguna waanu barbar taaganahay wixii dhibaato ah ee ka hor yimaadana waanu iskaga imanaynaa intaas ayuu kulankayagu la xidhiidhay waxaanan ku balanay in kulan dhakhso ah layskaga yimaado kolba wixii soo kordha.”

Sidoo kale gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo isaguna ka hadlay kulanka ay la qaateen guddida doorashada ayaa yidhi “Guddida doorashadu warbixintii ay na siiyeen waxay sheegeen inay hawlahoodu ku socdaan jadwalkii oo ay hada bilaabayaan daabacadii kaadhadhka, marka ay dhameeyana ay u qaybinayaan gobolada oo ay marba laba gobol is raacinayaan, waxay noo sheegeen in doorashadu aanay wakhtigeedii dhaq dhaqaaq lahayn oo ay halkeedii  tahay, waxay noo sheegeen in doorashadu qorshaysan tahay wakhtigeedii hawshuna meel fiican marayso  oo aanu wax warwar ahi jirin anaguna waanu garab taaganahay ilaahayna wax dhibaato ah inaguma keeno.”

Gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cismaan Afgaab ayaa dhinaciisa ka hadlay kulanka ay la qaateen guddida doorashada waxaanu yidhi “sida ay sheegeen guddida doorashadu,  xisbiyada waa loo yeedhaa mar kasta oo shaqo xidhmayso ama shaqo bilaabmayso, waxaanu la wadaagaa shaqada markaa soconayso, sidaas darteed guddida doorashadu waxay sheegeen in jadwalku sidiisii yahay hawshuna ay sideedii ku soconayso kaadhadhka daabacaadooduna ay hada bilaabmayso markaa wuxuun bay ahayd inay xogtaan na soo gaadhsiiyaan xisbiyaduna way la qaateen.”