Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo dalka dib ugu soo laabtay kadib Socdaal Caafimaad uu ugu Maqnaa Imaaraadka

0
854

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna murrashaxa xilkaasi ee xisbiga mar kale Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa dib ugu soo laabtay dalka kadib socdaal caafimaad oo uu ugu maqnaa dalka Imaaraadka Carabta toddobaadyadii u dambeeyey.
Md. Cabdiraxmaan Saylici oo dhaawac ka soo gaadhay Misigta lugtiisa bidix kadib markii uu ku simbiririxooday gurigiisa horraantii bishii dhammaatay November, waxaanna markaas kadib loo qaaday dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo cusbitaal ku yaal lagu soo daweeyey.
Madaxweyne-ku-xigeenka oo ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa saaka, waxa halkaas ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo xisbiga.