Guddoomiyaha KULMIYE oo ka Qaybgalay Xaflad Hargeysa loogu Sameeyey Xuska Maalinta Qoomiyadaha Itoobiya

0
915

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay xaflad ballaadhan xuska maalinta Qoomiyadaha Itoobiya loogu qabtay caasimadda Somaliland ee Hargeysa maanta.
Guddoomiye Muuse Biixi oo khudbad ka jeediyey madasha waxa uu kaga hadlay xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, waxyaabaha ay wadaagaan labada dal ee u baahan inay si wadajir ah uga shaqeeyaan wax-ka-qabadkooda iyo kaalinta Itoobiya kaga jirto Afrika iyo gobolkaba.
Waxa kaloo Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE ugu baaqay beesha caalamka, gaar ahaan dalalka jaarka la ah Somaliland ee Geeska Afrika inay tixgelin siiyaan aayo-ka-tashiga ummadda Somaliland, dibna u eegaan mowqifkooda madaxbannaanideeda ay xaqa u leedahay.