Xildhibaan Charles Tannock oo ka hadlay Somaliland

0
1142

Mr. Charles Tannock, ayaa shaaca ka qaaday in dhammaan nidaamada Dimuqraadigu aqbalaan dib u dhiga doorashooyinka, wakhtiyada masiibooyinka dabiiciga, haddii sababo cad dib u dhigaan doorashooyinka Somaliland, ma jirto sabab dalalka Yurub uga muujiyaan diidmo.

Mr. Tannock oo ka tirsan xildhibaanada Baarlamaanka Yurub, si weyna ugu ololeeya qadiyada madax-banaanida ayaa sheegay in xisbiyada kala duwan ee xildhibaanada taageera Somaliland way ka haystaan taageero xisbiyada kala duwan.
Waraysi dhinacyo kala duwan oo Maxamuud Walaaleye, tifatiraha mareegta Somalilandspan kala yeeshay Xildhibaan Tannock, ayaa jawaabahii uu ka bixiyey u dhaceen sidan:-
Fursad intee le’eg ayaad u haystaan guul ka gaadhida si qadiyadda madaxbanaanida Somaliland si loogu gudbiyo Maxkamada caalamka u aqbalo baarlamaanka Yurub.
Waxaan si weyn u jeclaan lahaa qaraar baarlamaanka Yurub ka gaadho, laakiin nidaamka loo maraa waa wada tashi iyo tanaasul. Waa in la helo wada xaajood dheeraad oo lala sameeyo kooxaha kale, si ay noogu suurtowdo inaan taageero badan ka helo. Xisbiyada kala duwan ee xildhibaanada taageera Somaliland way ka haystaan taageero xisbiyada kala duwan, keliya su’aashu waa intee!
Abaaro saameeyey dad iyo duunyo ayaa ka taagan Somaliland, wallow, nasiibdaro aanay hay’adaha QM iyo wadamada Caalamku taageero muuqata ka geysan, dhinaca kale muddo afar bilood ka yar ka hadhay wakhtigii doorashadu dhici lahayd, hadii sababahaa dartood doorashadu dib ugu dhacdo, miyey khalad ku yeelan doontaa xukuumadu, ilayn waxa la maqli doona qeylada iyo cambaaraynta beesha caalamke?
Somaliland waxay u leedahay caado dimuqraadiyadda iyo khibrad wanaagsan in awooda maamulka loola kala wareego. Abaarta saameysey Geeska Afrika waa mid werwerkeeda leh, xaq ayaad u leedahay inaad hoosta ka xariiqdo saamaynteeda iyo sida warbaahinta Reer-Galbeedku indhaha uga qarsadeen baahinteeda. dhamaan nidaamada Dimoqraadigu aqbalaan dib u dhiga doorashooyinka, wakhtiyada masiibooyinka dabiiciga, hadii sababo cad dib u dhacaan doorashooyinka Somaliland, ma jirto sabab wadamadda Yurub uga muujiyaan diidmo.

Ka dib markii Ingiriisku ka baxay Midowga Yurub, ma laga yaaba suurtagalka inay bedelaan mowqifkoodii aqoonsiga Somaliland, maadama wada xaajoodkii ay bilaabeen ee Somaliland iyo Soomaaliya u muuqdo mid aan natiijo dhalin?

Dowladda cusub ee dalka UK, gaar ahaan marka la eego dooda ka bixitaanka Midowga Yurub, wa amuhiim inay cusboonaysiiyaan xidhiidhkii Wadamada barwaaqo-sooranka iyo qeybaha kale Caalamka. Inkastoo nasiibdaro annigu shaqsiyan ii muuqan aqoonsi Ingiriis ula diyaar yahay Somaliland, waxa laga inuu sii horumariyo xidhiidhka ganacsiga, taasoo qeyb ka ah isku-deygooda dhiirigelinta wada xaajoodka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliy
Arragtidayda shaqsi, markaana la hadlay Wasiirada Ingiriiska shirkii London ka dib mowqifkoodu waa in wada xaajoodka Hargeysa iyo Muqdisho waa fursadii u dambaysay ee midnimo dhexmarta, ka hor intaan aqoonsiga loo dhaqaaqin, wallow ay sii xiisaynayaan inaanay talaabada koowaad qaadin, intaan wadan ama laba Afrikaan ah samayn.
Waa maxay talladaada dhinaca xukuumadda iyo shacabka ee sii badhitaarka qadiyada madaxbanaanida Somaliland?
Waxaan mar walba taageerayey qadiyada madaxbanaanida Somaliland, isla markaana aaminsanahay inuu jiro doodo taageeraya. Waxaan qabaa in wadaxaajood ay ku kala baxaan Somaliland iyo Soomaaliya yahay xalka ugu wanaagsan. Tani waa waxaan kugu dhiiri galinayo Midowga Afrika inay u qaataan hogaanka, helitaanka qaab, ugu yaraan wadahadalo, oo ah talaabada ugu horeysa ee muhiim u bilaabaya geedi socodka.