SANAAG: RRU-da Oo Qab-qabatay Dad Hubaysan Oo Hor-joogsaday In Dad Abaaraha Ku Caydhoobay Loo Qaybiyo Raashin Mucaawimo Ah

0
999

Dadka Tuulada Huluul Oo Ootay Ceel-Biyood Loogu Talo-galay Dadka Abaareysani Inay Ka Cabbaan Iyo Tallaabada Ciidammada Ammaanku ka Qaadeen

Ciidammada sida gaarka ah u tababbaran ee loo yaqaanno RRU-da, ayaa hawl-gal ballaadhan ka sameeyay deegaanka Huluul oo hoos-taga degmada Ceel-Af-weyn, ka dib markii Dad halkaa degani ay ooteen deegaan ku xeeran Ceel-biyood loogu talo-galay Dad Abaareysan oo halkaa soo degay.

Dadkan ootay deegaanka ku dhow halka Ceel-biyoodka laga qoday ee deegaanka Huluul, ayaa ku doodaya inay Beero ka qodanayaan halka Ceelka laga qoday, laakiin Maaddaama oo Xilli abaareed lagu jiro isla-markaana Ceelkaasi loo qoday in Dadka Abaareysan ka cabbaan waxa Ciidammada RRU-da oo halkaa gaadhay baa’biiyeen guud ahaan Dhulkii la ootay, waxayna Dab qabadsiiyeen Ooddii Dadka Deegaankaasi sida gaar-gaarka ah u ooteen.

Taliyaha Ciidammada RRU-da Nimcaan, ayaa faahfaahiyey sida wax u dhaceen, “Riiggani waa Riiggii sida Dhakhsaha ah loogu qoday Dadka Abaartu hayso ee la yidhi haka Cabbaan, laakiin Dad baa ootay Agagagarkiisa, waxayna ku leeyihiin wax-baanu ka beeraynaa, waana dhul-qabsi. Markaa Qaranku wuxuu doonayaa in Dadka la badbaadiyo, Dadkana waxay doonayaan in la waayo meel Dadka iyo Xooluhu is-taagaan, waanuna ka baa’biinaynaa Ciddii kale isku dayda inay Dhulkaa Riigga laga qoday ootaan.”

Taliyuhu waxa kale oo uu ka hadlay Dad Carqaladeeyay Raashin Dad Abaareysan loogu qaybinayey isla deegaanka Huluul, “Tuulada Huluul waxa Raashin loogu qaybinayey Dad Caydhoobay oo Xoolihii ka dhamaadeen, waxayna yidhaahdeen Dadkaasi Annaga oo wax nala siiyo Mooyaane waxba lama qaybinayo oo ay Qoryo soo qaateen, Dadkaasi badhna waanu qab-qabanay, badhna buuraha ayay galeen oo waanu ku daba jirnaa.”ayuu yidhi.

Maamulka Degmada Ceel Af-weyn iyo ka Gobolka Sanaag, ayaan ka hadal Hawl-galka Ciidammada RRU-du ka fuliyeen Deegaanka Huluul, Dadka la qab-qabtay Tiradooda iyo in khasaare ka dhashay qab-qabashadoodii.