Dhallinyarada KULMIYE Ee Gobolka Maroodi-jeex Oo Dhar Ku Wareejiyey Guddida Abaaraha

0
915

Dhallinyarada xisbiga KULMIYE ee Gobolka Maroodi-jeex, ayaa taakulo dhar ah oo ay ugu talogaleen dadka jilicsan ee ay haleeshay abaartu ku wareejiyey Guddiga Abaaraha ee Qaranka Somaliland.

Taakuladan dharka ah oo ka kooban 35 bundadood oo isugu jira noocyada kala duwan ee dharka, taas oo dhaqaale ay iska ururiyeen dhallinyarada xisbiga KULMIYE ee ku dhaqan magaalada Hargeysa oo rag iyo dumarba leh.

Sucaad Cumar Cismaan (Xagaa) oo ku hadlaysay afka dhallinyaradaasi, ayaa sheegtay in taakuladan dharka ah isugu jirta kuwa la xidho iyo noocyada la hudaba ay ugu talogaleen in la gaadhsiiyo dadka jilicsan ee abaartu hayso, waxaanay ugu baaqday guud ahaan dhallinyarada Somaliland inay ka qaybgalaan gurmadka walaalahooda ku tabaalaysan abaarta.

“Waxa kaloo aannu diyaar u nahay in aannu xooggayagana u hibayno gurmadka oo aannu guddiga abaaraha garab istaagno oo waxaannu xoog iyo xooloba hayno ku taageerno oo kala shaqayno, waayo haddaynaan walaalaheen u damqan waxba inoo hagaagimaayaan. Bal qof kastaaba marka uu isagu iska soo qaado inuu halkaa taagan yahay oo abaartu hayso oo xoolihii ka madheen, gaajoonaya oo dhaxamoonaya wuxuu dareemayaa xaaladda dhabta ah ee ka jirta dhulka abaartu hayso, waxaannan ka codsanayaa guud ahaan dhallinyarada reer Somaliland inay dareemaan xaaladdaas oo qof kastaa iska soo qaado walaalkiisa yar ee gaajoonaya ama harraadku hayo ee aan hu iyo wuxuu ka xidho dhaxanta toona aan haysan,” ayey tidhi Sucaad Xagaa.

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Marwo Shukri Ismaaciil Baandare oo ka mid ah Guddiga heer Qaran ee Taakulada Abaaraha, ayaa uga mahadcelisay dhallinyarada KULMIYE ee Maroodi-jeex deeqda ay ku wareejiyeen, waxaanay ku ammaantay dadaalka iyo abaabulka ay sameeyeen dhallinyaradaasi.

“Baaqaa dhallinyaradu ay u soo jeedisay da’yarta kale iyo cid walba oo kale meel kasta ha joogaane waa in laga kacaa oo dhallinayaradu u gurmadaan walaalahooda tabaalaysan, idinkuna halkaad ka soo saarteen Ilaahay ha idiinku beddelo mid ka khayr badan,” ayey tidhi Wasiirka Deegaanku Marwo Shukri.

Ugu dambayntii, Guddoomiye-ku-xigeenka Guddiga Heer Qaran ee Taakulada abaaraha Sheekh Xasan Cabdisalaan oo ay wehelinayeen xubnaha kale ee guddiga ayaa halkaa kaga guddoomaya dhallinyaradaasi taakulada 35 bundadood ee dharka ah.