Xoghayihii Guud ee Xisbiga UCID Oo Is-casilay, Eedo Culusna U Jeediyey Guddoomiye Faysal

0
1006
Xoghayihii Guud ee Xisbiga UCID Oo Is-casilay, Eedo Culusna U Jeediyey Guddoomiye Faysal
Xoghayihii Guud ee Xisbiga UCID Oo Is-casilay, Eedo Culusna U Jeediyey Guddoomiye Faysal

“Hoggaamiyaha Xisbigu Waxa Uu Ku Guuldarraystay Inuu Dadka Abaaruhu Hayaan U Tago Oo Soo Eego, Intaasna Wuxuu Joogay Hargeysa”  Yuusuf Googooye

-Xoghayihii guud ee hore ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Md.Yuusuf Ibraahim Jaamac (Googooye), ayaa shaaca ka qaaday inuu gebi ahaanba iska casilay xilkii uu ka hayey xisbigaas, waxana uu eedo u jeediyey guddoomiyaha xisbigaas Eng. Faysal Cali-waraabe.

Yuusuf Googooye oo qaar kamid ah warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa sharraxay sababa uu xilkaas iskaga casilay, “Sababtaan iskaga casilayna waxa weeye kadib markii aan ku qanci waayey oo aan arki waayey waddo guul ah oo xisbiga gaadhsiin karta inuu ku socdo, waxan go’aansaday inaanan xisbiga kusii jiri Karin” ayuu yidhi Yuusuf Googooye.

Isaga oo sharraxaya asbaabo badan oo xisbigaas uga tegay, isla-markaana eedo culculus u jeedinaya guddoomiyaha xisbigaas, ayaa waxa uu yidhi,“markii aan arkay inaanay jirin isdhegaysi iyo wada-tashi sida axsaabta kale ee qarankuba ku dhisan tahay waxa ay nafsaddaydu isiin weyday inaan kasii mid noqdo, ujeeddada xisbiguna waxa ay ahayd inuu cod ka keeno gobollada bariga, Togdheer, Sool Sanaag iyo Saraar, haatanna abaar baa haysata, hoggaamiyaha xisbiguna waxa uu ku guuldarraystay inuu dadkaas u tago oo soo eego oo gargaar gaadhsiiyo, ugu yaraan soddon booyadood baanu kasoo gaadhsiinay inuu dadkaas gaadhsiiyo, sida guddoomiyeyaasha kaleba u tageen, guddoomiyuhuna umuu muujin naxariis dadka caynkaas ah ee abaartu ku dhufatay, intaasna wuxuu joogay Hargeysa, dadka maanta biyo afka loogu qaban waayey ee loo quudhi waayey codna laga doonayaa wax lala yaabo ayey noqotay”.

Is-casilaadda xogyaha guud ee xisbiga UCID, ayaa imanaya, iyada oo wax  bil ka yar kahor uu xisbigaas murrashax ka noqday guddoomiye Faysal Cali-waraabe, waxana uu noqonayaa xoghayihii labaad ee xisbigaas iska casila tan iyo  intii ay xukuumaddani xukunka haysay, waxana haatan ka hor xilkan iska casilay xogyihii guud ee hore Axmed Aadan Ismaaciil(keyse)oo haatanna ah wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda ee Somaliland.