“Maxamed Siyaad Barre ayaa halkan [Somaliland] Oo Morgan Bandoo Saaray Yimi, Aniguna Waan La Socdayoo, Dabadeed…”

0
920

“Siddii Loo Fadhiyey Ayey Mar Qudha Xaruntii Guud Ee Xisbiga Waddani Isu-badeshay Goob Dagaal oo Koox, Koox ay Isu-qabsadeen, Kabahoodiina…”

Garabka haweenka xisbiga Waddani, ayaa waxa ka dhex-taagan khilaaf xoogan oo u kala qaybiyey laba garab, isla markaana waxa la sheegay in qaar ka mid ah gacanta isula tageen oo lagu kala guntaday, iyagoo ku sugan xarunta guud ee xisbigu ku leeyahay magaalada Hargeysa.Goob joogayaal ka gaabsaday in magacooda la shaaciyey oo ka cudur-daartay sababo la xidhiidha saameyn ku timaada, ayaa wakaalada wararka ee Baraarugnews.com u sheegay in sababta keentay khilaafka garabka haweenka xisbiga Waddani ay tahay markii hawlihii shaqo ee xisbiga ka dhex socday madaxa iskaga wada duumeen xubno dumar ah oo isku qoys yihiin Murashaxa xisbiga Waddani ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Warku wuxuu intaa ku darayaa in arrintii markii haweenka xisbigu isku qabsadeen awoodaha maamulka iyo hogaanka garabka ay u kala jabeen qabiilo oo koox koox isu-badelay khilaafka labada dhinac ah. “Indhaweyd-ba garabka haweenka xisbiga Waddani waxa ka dhex aloosnaa khilaaf xoogan, markaa walaal shalay, anagoo ku sugan xarunta xisbiga Waddani ee Hargeysa ayaa waxa dhacday in laba gabdhood oo ka mid ah guruubyada khilaafku ka dhex-taagan yahay inay iskula boodeen oo ay gacanta isa saareen, ka dib dadkii joogay xarunta ayaa kala qabtay oo meeshii xaruntuba waxay isu-badeshay dagaal.”Sidaa ayuu yidhi goob-jooge ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo sababa la xidhiidha saameyn ku timaada naftiisa.

“Siddii loo fadhiyey ayey mar qudha isu-badeshay goob dagaal Xaruntii guud ee xisbiga Waddani ku lahaa magaalada Hargeysa, markii dumarkii xisbiga oo isugu jiray dumar hooyooyin ah iyo hablo ka wada tirsan garabka haweenka ee xisbiga ay isu-qabsadeen koox koox oo gabahoodii, miisaskii xafiisyada iyo wixii yaalay xarunta dhex-deeda ayey dabada isu wada qabteen, laakiin markii dambe ayaa dirqi ku kala qabaney oo waxa ku kala guntaday dadkii joogay xarunta xisbiga ee Hargeysa.”Sidaa ayuu yidhi mid kale oo ka mid ah goob-jooga ka mid ahaa dadkii ku sugnaa xarunta xisbiga Waddani oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo.

Haweenay ka mid garabka haweenka ee xisbiga Waddani oo ka cudur daaratay in la shaaciyo magaceeda, ayaa faahfaahisay waxyaabaha keenay khilaafka ka dhex-taagan waxaaney tidhi sidan:-“Waxa keenay khilaafka wakhtigan, waxyaabo badan oo horeba u jirin, laakiin waxa la islahaa waxbaa iska badelaaya marka shir-weynaha xisbiga la qabto. Balse Waxay is ku wada haystaan awoodihii mamaulka ee xisbiga Waddani. Markaa arrinta ugu weyn ee khilaafka dhalisay ee cirka gaysay waxa keenay. Hogaanka garabka haweenka ee xisbigu waxay dhawr jeer ka cawdeen faragalin iyo in shaqaddoodii ku haystaan dumar iyo hablo Guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Cirro adeer u yahay oo qayskiisa ah inay awoodoodii la wareegeen oo aaney u madax-bannaaneyn. In xagii maaliyada xisbiga ee lagu kala wadilahaa hawlaha xisbiga ay caqabad ku yihiin hablo ay ehel yihiin Cirro oo xisbigii aaney u madax-banaaneyn. Waxa kale oo keenay khilaafkan dumar Marwada Guddoomiyaha waddani Cirro ay wadato oo iyaguna qayb ka ah arrintan oo sheegeen in hawlahoodii xafiiska xisbiga iyo shaqooyinkii oo dhan, iyagu xagga dambe ka maamulayaan oo faraha kula jiraan. Arrintaa ayaa sababtay khilaafka ka dhex-taagan, markaa laba garan ayey u kala fadhiyaan haweenka xisbiga waddani, markaa ilaa immika wax xal ah lagama gaadhin. Shalay markii ay hadlayeen xitaa hogaankii haweenka xisbiga waddani ma joogin oo waxay ahaayeen dumar cusub, markaa laba garab ayey u kala fadhiyaan.”