“Maxamed Siyaad Barre ayaa halkan [Somaliland] Oo Morgan Bandoo Saaray Yimi, Aniguna Waan La Socdayoo, Dabadeed…”

0
1060
“Maxamed Siyaad Barre ayaa halkan [Somaliland] Oo Morgan Bandoo Saaray Yimi, Aniguna Waan La Socdayoo, Dabadeed…”
“Maxamed Siyaad Barre ayaa halkan [Somaliland] Oo Morgan Bandoo Saaray Yimi, Aniguna Waan La Socdayoo, Dabadeed…”

“Annagoo hawshii badhtanka kaga jirna oo isagana Maslaxayna oo Jaalle…Jaalle leh ayuu u yimid Safiirkiisii Jabuuti, waxaanu ku yidhi waxaan farriin kaaga wadaa………” “Maxamed Siyaad Barre ayaa halkan [Somaliland] Oo Morgan Bandoo Saaray Yimi, Aniguna Waan La Socdayoo, Dabadeed…”
Faysal Cali Waraabe Oo Ka Warramay Socdaal Uu Siyaad Barre Ku Wehelinayey Oo Ay Ku Yimaaddeen Hargeysa Oo Ciidamo Go’doomiyeen Iyo Ujeeddadooda

“Mustaqbalka Somaliland wuu cad-yahay oo ku doodis malaha, laakiin Somaliland waxa dishay Hoggaan la’aan, oo waakaa Maanta Cali Khaliif leeyahay Magaalo kale iskugu keen keena……………” Faysal Cali Waraabe
Hargeysa, 4 Diisambar, 2016-(Himilo) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ahna Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbigaasi, ayaa ka warramay Taariikhda soo jireenka ah ee Somaliland, dedaallo uu ka geystay Heshiis la doonayey in la dhex dhigo Dawladdii Siyaad Barre iyo Shacabka Somaliland ee xilligii Dawladda Siyaad dhibaatada ku haysay.
Faysal Cali Waraabe oo Marti ku ahaa Barnaamij loogu Magac-daray ‘Somaliland: The Way Forwad’ oo Macnaheedu yahay ‘Jidka horu-socodka Somaliland’, ayaa ka sheekeeyay Taariikh dheer oo ka taxan ilaa wakhtigii Siyaad barre heshiiska SNM khatarta ku ahaa la galay Boqorkii dalka Itoobiya Mingiste Haile Mariam, ayaa sheegay in heshiiskaasi khatar ku ahaa halgankii Ururkii SNM ugu jiray xoreynta Somaliland, laakiin Alle guusha siiyey reer Somaliland.
Guddoomiyaha UCID wuxuu sheegay in Safar uu Siyaad Barre ku Hargeysa ay ku wehelinayeen illaa 85 Xubnood oo ka mid ahaa Hal-doorkii Beelaha Isaaq, kuwaasi oo uu qaybta Dhallinyarada isaugu Guddoomiye u ahaa, “Maxamed Siyaad Barre ayaa yidhi waxaynu samaynaynaa Dib-u-heshiisiin, halkan baanu nimid (Hargeysa), Anigu berigaa waan la socday (Siyaad Barre) waxaanu ku nimid 85 (Xubnood) Odayaashu waxay ahaayeen baan filayaa 50, waxaana Guddoomiye u ahaa Ismaaciil Ducaale iyo 35 dhallinyaro ah oo Anigaa Guddoomiye u ahaa, waxaana la doonayey in Xaaladda caadi laga dhigo oo Dadka xidhan la soo daayo, Dhulkan oo Morgan uu Bandoo Saareyna Bandooda laga qaado. Annagoo hawshii badhtanka kaga jirna oo isagana Maslaxayna oo Jaalle…Jaalle leh ayuu u yimid Safiirkiisii Jabuuti, waxaanu ku yidhi waxaan farriin kaaga wadaa Mingiste, waxaanu Mingiste yidhi waxaan rabaa heshiiskii aan hore kuugu diiday (inaynu wada gelno), dabadeedna tii buu ugu ogolaaday, markaas ayuu isbeddelay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Siyaad Barre uu Wakhtigaa isaga iyo Xubno kale uu u diray

Magaalada Burco oo uu doonayey inuu socdaal ku tago, “Wakhtigaa Aniga iyo Afar kale ayuu Burco noo diray oo uu yidhi sii diyaar-gareeya, waxayna ahayd inuu Burco nagaga daba yimaaddo, laakiin wuu isbeddelay.”
Eng. Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu ka hadlay Mustaqbalka Somaliland, “Mustaqbalka Somaliland wuu cad-yahay oo ku doodis malaha, Waayo? Dawlad-baynu ahaan jirnay, nihin Gobol goosanaya, ma jabinayno Heshiisyadii Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, laakiin waynaan u hagar-bixin, Su’aashu waa Ma doonay, Qorshe ma samaysanay?, dedaalkii la inooga baahnaa ma gelinay, waa Maya intuba.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in isku muuqashada reer Somaliland keentay in Cadowgoodu uu u soo hanqal taago, “Innaga ayaa isku habsaanay, waxeeniiba waxaynu ka dhignay Maxalli, Adduunkiina way ka go’nay. waataa Maanta uu Cali Khaliif leeyahay Magaalo kale iskugu keen keena, waataa Maanta Marba Nin inoo hanjabayo, waataa Maanta Soomaaliya oo aynaan ku jirin la innagu darayo ee la leeyahay waa Dawlad-gobolleedka Lixaad Somaliland. Somaliland waxa dishay Hoggaan la’aan iyo Qabyaalad dhexdeena ah.”
HIMILOMEDIA