Kulan Dhexmaray Masuuliyiinta Wasaaradda Biyaha iyo Khubarro ka socday Denmark

0
1136
Kulan Dhexmaray Masuuliyiinta Wasaaradda Biyaha iyo Khubarro ka socday Denmark
Kulan Dhexmaray Masuuliyiinta Wasaaradda Biyaha iyo Khubarro ka socday Denmark

Wasaaradda khayraadka Biyaha Somaliland ayaa ku hawlan qorshe cusub oo biyo ku filan oo nadiif ah loogu raadinayo bulsho weynta Somaliland, isla markaana lagaga hor tagayo abaaraha soo noqnoqda ee ka dhaca dalkeenna.

Qorshahan cusub ee ay waddo wasaaradda khayraadka biyaha Somaliland ayaa shalay lagu gorfeeyay kulan ballaadhan oo ay wada yeesheen masuuliyiinta sar sare ee wasaaradda biyaha Somaliland, iyo saraakiil ka socday hay’adda NIRAD ee dalka Denmark, African Development Bank Iyo Sanduuqa African Water Facility.
Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ay soo saartay wasaaradda khayraadka biyaha Somaliland, warsaxaafadeedkaasi oo dhammaystiranina waxa uu u dhignaa sidan:- “Xili ay dalka ka taagan yihiin abaaro baahsan oo aafeeyey dad iyo duunyaba, isla markaana ay gabaabsi noqdeen roobabkii curan jiray xiliyadani, xukuumaduna ay ku mashquulsanayd la tacaalida dadka abaaaruhu saameeyeen, ayaa dhanka kale waxaa ay wasaaradda khayraadka biyaha ee Somaliland oo uu gadhwadeen ka yahay Wasiirka Wasaaradaasi Baashe Cali Jaamac waxaa ay dedaal ugu jireen taaba gelinta sidii looga sii gaashaaman lahaa roob la’aanta iyo abaaraha bulshada ku soo noqnoqda.
Wasiirka Biyaha ayaa isagoo taasi ka duulaya waxaa uu kulan ballaadhan kula qaatay xafiiskiisa magaalada Hargaysa khubaro ka socday hay’ada NIRAD ee ka dhisan Wadanka Denmark, kuwaasi oo ay isla gorfeyeen qaabka ugu habboon ee looga faa’iidaysan karo biyaha roobka oo inta badan ku shubma badda halka qaar kalena ay dhulka iska galaan.
Kulankan Hargaysa ku dhexmaray wasiirka khayraadka biyaha Baashe Cali Jaamac iyo guddida khubarada ah ee ka socday hay’ada NIRAD ee dalka Denmark ayaa waxaa dhanka kale lagaga wada hadley oo labada dhinac isla gorfeeyeen sidii daraasad, iyo cilmi baadhis loogu samayn lahaa dalka oo dhan, taas oo ku qotonta sidii looga fa’idaysan lahaa biyaha Roobka.
Mashruucan oo ah mashruuc ku cusub dalkeenna ayaa aad looga faa’iidaysan karaa biyaha roobka ee dooxyadu bada ku shubaan. mashruucaas oo ku kici doona lacag dhan 3 milyan oo dollar ka Maraykanka ah Waxaa Innaga Caawin Doona Sanduuqa (African Development Bank) iyo Sanduuqa (African Water Facility). waxaana mashruucan la daahfuri doona insha allaah 15 december ee sannadkan.

Kulankan waxa ka qayb qaatay
Wasiirka Khayraadka Biyaha, Baashe Cali Jaamac.
Ku-Simaha Agaasimaha Guud, Maxamed Faarax Cabdi.
Ron Sloots oo ah Khabiir Biyaha Dhulka Hoostiisa Ah.
Jan Lesse Wahlstrom, oo ah Khabiir Biyaha Oogada Sare Ah.
Sven Jacobi, oo ah Team Leader.
Salem Shouhan, oo ka socda African Water Facility.”
Geesta kalena, Wasiirka Wasaaradda Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Baashe Cali Jaamac, ayaa tafaasiil ka bixiyay asbaabaha uu shaqaddii uga joojiyay agaasimihii guud ee wasaaradaas Mr. Cabdirisaaq Jaamac (Naakhuude) oo uu ku eedeeyay inuu curyaaminayo adeegyadii wasaaraddu u haysay bulshada.
“Agaasimaha guud waxaannu wada shaqeynay muddo sideed iyo toban bilood ah oo khilaaf jiray, iyada oo shan jeer lana heshiisiiyey, mar walba waxa lagu heshiiyey isagaa (Agaasimaha) ka baxaayey.

Markii ugu dambaysay wuxuu gaadhay aniga oo ku maqan diwaan-gelintii gobollada bari inuu dhaqaalihii Wasaaaradda oo dhan uu rido oo aan la isticmaalin inta sannadkan ka hadhsan isaga oo shirkadii dhisaysay ceel biyood Madaxwaynuhu dhagax dhigay uu u sheegay inuu ridayo Miisaaniyadda wasaaradda, Waxa uu safar aannu cidna u sheegin ku tegay magaalada Nairobi iyadoo shaqo badan u taallo wasaaradda islamarkaana aan cid kaga tegin , waxay noqotay in shaqadii wasaaradu istaagto, taasina waxay keentay inaan si ku meel gaadh ah shaqadii uga joojiyo,”ayuu yidhi Wasiirka Biyaha oo shalay xafiiskiisa ugu waramay saxaafadda.

Wasiirku waxa uu ku dooday inuu si kumeel-gaadh ah u sii magacaabay agaasime si socodsiiya hawlaha shaqadda wasaaradda, waxaannu yidhi “Waxaan sii magacaabay agaasime ku meel-gaadh ah oo ka mid ah masuuliyiinta wasaaradda, si aanu u istaagin saxeexii iyo hawlihii ceelasha ee ay wasaaraddu waday inta uu Madaxweynuhu agaasime kale soo magacaabayo.”
“Wuxuu bilaabay in uu ka ugaadhsado Huteelada oo aannu xafiiska u soo shaqo tegin isaga oo Hay’adaha doonayey wasaaradda uu iskii ula macaamilo, sida uu u dhaqmay agaasimuhu waxay noqotay mid aan loo dulqaadan karin,”ayuu yidhi Wasiir Baashe Cali Jaamac.