Sarkaal Xisbiga WADDANI Katirsan Oo Qoyska Uu Kasoo Jeeda Marxuumkii Dhawaan Jeelka Isku Deldelay Kula Taliyey Inay Dacweeyaan Wasiirka Caddaaladda Iyo Taliyaha Asluuubta

0
748
Sarkaal Xisbiga WADDANI Katirsan Oo Qoyska Uu Kasoo Jeeda Marxuumkii Dhawaan Jeelka Isku Deldelay Kula Taliyey Inay Dacweeyaan Wasiirka Caddaaladda Iyo Taliyaha Asluuubta
Sarkaal Xisbiga WADDANI Katirsan Oo Qoyska Uu Kasoo Jeeda Marxuumkii Dhawaan Jeelka Isku Deldelay Kula Taliyey Inay Dacweeyaan Wasiirka Caddaaladda Iyo Taliyaha Asluuubta

Xoghayaha xuquul insaanka ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Barkhad Jaamac Xirsi, ayaa wasaaradda caddaaladda ku eedeeyey inay daawanayso oo aanay waxba ka qabanaynin tacaddiyo muuqda iyo dhibaatooyin is biirsaday oo lagu hayo maxaabiista ku jirta jeelasha kala duwan ee dalka.

Xoghaye Barkhad oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa si gaar ah wasaaradda iyo weliba ciidamada asluubta ugu canaantay marxuum dhawaan isku dhex deldelay jeel ku yaalla magaalada Berbera oo uu wasiirka Caddaaladdu sheegay inuu maskaxda ka xanuunsanayey, waxana uu taxay su’aalo dhawr ah oo wasiirka looga baahan yahay inuu ka jawaabo,“Qof xanuunsanahay oo gaadhay heer uu is deldelo cidda xukuntay wa ayo, cidda jeelka ku haysay qof noocaas ahi wa’ayo, cidda u fududaysay inay xadhiga uu isku deldelayo u geyso wa’ayo, su’aalahaas jawaabahooda wasiirkaa laga rabaa”ayuu yidhi Barkhad Jaamac Xirsi.

Isaga oo sharraxay tacaddiyo dhawr ah oo uu tilmaamay in maxaabiista lagu hayo iyo caafimaad-darro jeelasha ka jira, isla-markaana wasaaradda Caddaaladda baaq u diraya, ayaa waxa uu yidhi,“Tacaddiyo badan baa ka jira jeelasha dalka, caddaaldarro faro badan baa ka jirta oo qol kaliya ayaa 70-qof lagu xidhayaa, caafimaad-darraana ka jirta, xukuumaddana waxanu ugu baaqaynaa inay hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa xuquuqal iinsaankaba u fasaxdo inay toos u galaan jeelasha oo xaqiiqda dhabta ah iyo xaaladda maxaabiista lasoo ogaado”sidaa waxa yidhi Barkhad Jaamac Xirsi.

Xoghaye Barkhad waxa uu qoyskii uu kasoo jeeday marxuumkii dhawaan isku dhex deldelay jeelka Berbera usoo jeediyey inay dacweeyaan wasiirka caddaaladda iyo weliba taliyaha ciidamada Asluubta, waxana u kula taliyey inay dacwad maxkamadaha dalka ka furtaan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Qoyskii uu ka geeriyooday marxuumka is-deldelay waxanu ugu baaqaynaa inay dacwad kusoo oogaan wasiirka caddaaladda iyo taliyaha ciidanka Asluubta dhayalsiga ay keeneen inay nafi baxdo oo uu ninkaasi halkaas ku dhinto, waxana ay xaq u leeyihiin mag-dhaw rasmi ah, waxana ay ku helayaa dacwad ay ka furtaan maxkamadaha.”

Dhawaan ayey ahayd markii jeel ku yaalla magaalada Berbera uu marxuum ku dhex xidhnaa is deldelo, waxana wasiirka caddaaladda Md. Axmed Faarax Cadarre uu marxuumkaas ku sheegay mid madaxa ka xanuunsanayey oo halkaas lagu Karin-tiimeeyey.