Axmed M. Seed Oo Shaaciyey Shirqoollo Naftiisa Halis Geliyey Oo Shirkii Ambassador Ka Qabsaday, Kana Marag Kacay Mus-Dambeedka Beesha Guddoomiye Cirro Kasoo Jeeda Ee Nash-Qadeeya Go’aamadda Xisbigu Qaadanayo

0
947
Axmed M. Seed Oo Shaaciyey Shirqoollo Naftiisa Halis Geliyey Oo Shirkii Ambassador Ka Qabsaday, Kana Marag Kacay Mus-Dambeedka Beesha Guddoomiye Cirro Kasoo Jeeda Ee Nash-Qadeeya Go’aamadda Xisbigu Qaadanayo
Axmed M. Seed Oo Shaaciyey Shirqoollo Naftiisa Halis Geliyey Oo Shirkii Ambassador Ka Qabsaday, Kana Marag Kacay Mus-Dambeedka Beesha Guddoomiye Cirro Kasoo Jeeda Ee Nash-Qadeeya Go’aamadda Xisbigu Qaadanayo

“20-dhallinyaro ah oo halkaas la iigu diyaariyey nin welibana dhagax wixii uu hayey ayuu ila dhacay, caagado biyo ah baa la igu shubay, dhegahaygana waxan ku maqlayey qof lahaa waar mindi ma haysaa…..

“Mus-dambeedku waa in kooban oo UDUB ka timi oo ay Cabdiraxmaan isku reer yihiin oo weliba u haysata inay xisbiga iyagu reer ahaan u leeyihiin, marka uu guddoomiyuhu hadlayo waxa uu yidhaahdaa waa xisbi qaran….”Axmed Muumin Seed

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga WADDANI, ahna guddoomiyaha garabka toosinta iyo caddaaladda, ayaa markii ugu horraysay daaha ka fayday shiqoollo qarsoodi ahaa naftiisa halis lagu geliyey, kuwaas oo ka dhacay madashii uu ka dhacay madashii lagu qabtay shirkii golaha dhexe ee sababta u ahaa inuu xisbigaasi laga garab u kala jabo.

Axmed Muumin Seed oo u warramay barnaamijka Milicisiga ee uu daadihiyo saxafi Fasal Fadh-fadhle, ayaa dhinaca kalena bannaanka soo dhigay jiritaanka musdambeedka beesha ku dhisan ee go’aamiya talooyinka kama dambaysta ah ee uu ku meelmaro xisbiga mucaaridka ah ee WADDDANI, waxana uu hoosta ka xarriiqay in kooxdaasi dhammaantood kasoo jeedaan qoyska guddoomiye Cirro, isla-markaana awoodda ugu weyn ee xisbigaasi ay iyaga tahay.

Guddoomiye Seed waxa uu ugu horrayn sharraxay shirqoollo heer naftiisa halis la geliyo, isla-markaana dhaawacyo loo geysto gaadhay oo lagula kacay maalintii uu ka baxay shirkii golaha dhexe ee xisbiga WADDANI, kaas oo uu ku tilmaamay mid si adag looga soo shaqeeyey oo laga soo shaqeeyey.

Axmed Muumin Seed oo arrimahaas sharraxaya, ayaa waxa uu yidhi, “markii aan Cabdiraxmaan u codeeyey baan soo baxay, markii aan jaran-jarrada kasoo baxay waxan la kulmay 20-dhallinyaro ah oo halkaas la iigu diyaariyey nin welibana dhagax wixii uu hayey ayuu ila dhacay, caagado biyo ah baa la igu shubay, jay baa la igu shubay, indhaha waan ka ilaashanayey, laakiin dhabarkuu igaga dhacayey, askartii agtayada joogtayna hal kamid ahi nagumuu soo dhaqaaqin, wuxuna ahaa qorshe la diyaariyey, dhegahaygana waxan ku maqlayey qof leh”waar mindi ma haysaa”, wuxuna waxay ahaayeen kudlad isku xidhan oo gudaha iyo dibaddaba joogtay.”

Guddoomiyuhu dhinaca kale waxa uu qiray jiritaanka kooxda isku duuban ee qoyska guddoomiye Cirro kasoo jeedda, kuwaas oo talada ugu dambaysa iyo go’aamada uu xisbigu gaadho soo nashqadeeya, waxana uu taas ku tilmaamay iinta ugu weyn ee uu xisbigaasi leeyahay,“haa way jiraan wax mud-sambeed la yidhaahdaa, aniga iyo Cabdiraxmaan muddo dheer baanu soo wada-shaqaynaynay, talooyinka aniga iyo isaga na kala geeyeyna waxa kamid ah mus-dambeedyo, mus-dambeedkuna waa in kooban oo UDUB katimi oo ay Cabdiraxmaan isku reer yihiin oo weliba u haysta inay xisbiga iyagu reer ahaan u leeyihiin, marka uu guddoomiyuhu hadlayo waxa uu yidhaahdaa waa xisbi qaran oo Somaliland baa u siman, gudaha markaad gashana waxad arkaysaa dadka jooga oo dhan oo isku reer ah, waana dad runtii u haysta in maadaama ay guddoomiyihii isku reer yihiin inay iyagu xisbiga taladiisa ay gacanta ku hayaan, dabadeedna wixii ay soo jeediyaan uu guddoomiyuhu ku raaco, taasina waa ta xisbinimadii meesha ka saaraysa, haddii uu xisbigu mus-dambeed yeeshona xisbi jira ma noqonayo oo ma shaqaynayo” ayuu yidhi guddoomiye Axmed Muumin Seed.

Shirqoolka lagu halis geliyey guddoomiye Axmed Muumin Seed ee uu isagu afkiisa ka shaaciyey, ayaa bar madow ku ah dimuqaariyadda qaranka, waxana uu naanays-xumo taariikhi ah ku noqonayaa xisbiga WADDANI, iyada oo dhinaca kalena qirashadiisa ku aaddan jiritaanka kooxda mud-dambeedka ahina noqonayso astaan xisbinimada ka baxsan oo uu markale xisbigaasi huwan yahay.