Agabkii Lagu Daabacayey Kaadhadhka Cod-bixiyayaasha Oo Shalay Hargeysa Kasoo Degay

0
955
Agabkii Lagu Daabacayey Kaadhadhka Cod-bixiyayaasha Oo Shalay Hargeysa Kasoo Degay
Agabkii Lagu Daabacayey Kaadhadhka Cod-bixiyayaasha Oo Shalay Hargeysa Kasoo Degay

-Waxa magaalada Hargeysa kasoo degay agabkii Agabkii kaadhadhka lagu daabacayey oo laga keenay waddanka faransiiska, ayaa dalka maalintii shalay la keenay, waxana si rasmi ah loogu wareejiyey Komishanka doorashooyinka qaranka.

Agabkan oo laga keenay waddanka Faransiiska, ayaa ah mid loogu talo galay in lagu daabaco kaadhadhka cod-bixiyayaasha oo ay weli waraaq ahaan u haystaan dadkii isdiiwaangeliyey.

Daabacaadda kaadhadhkan oo shaqo badani u xannibnayd, ayaa la filayaa in la gudo geli doono maalmaha soo socda, waxana intaas kadib  dhamma dadkii isdiiwaangeliyey  waraaqaha ay haatan haystaan loogu beddeli doonaa kaadhadh laf ah oo doorashooyinka soo socda ku codayn doonaan.

Agabka haatan la keenay oo ay hore u dalbadeen komishanka doorashooyinka qaranku, ayaa la sheegay inay tayadiisu sarrayso, isla-markaana dhib yaraan wakhti kooban gudihii uu awoodo inuu daabaco kaadhadh gaadhaya malaayiin xabbo oo macluumoodku guddida gacanta ugu jiro.

Daabcadda kaadhadhka ayaa ah qabyo weyn oo ku jirtey nidaamkii diiwaangelinta codbixiyayaasha, waxana haatan wixii ka dambeeya marka daabacaaddu dhammaato loo gudbi doono wejiga qaybta kaadhadhka oo dalka oo dhan ka hirgeli doona.