Wasaarada Ciyaaraha Oo Meesha Ka Saartay Khilaaf Salka Ku Haya Dhaqaalle Oo U Dhexeeya Wasiirka Iyo Agaasimaha Guud

0
856

Wasiir-ku-xigeenka Ciyaaraha Iyo Agaasimaha Waaxda Qorsheynta Oo Asaraar Ku Tilmaamay  War Uu Wargeyska HUBAAL Arbacadii Qoray   Oo Ku Saabsan Khilaaf Soo Kala Dhex Galay Wasiirka Mas’uuliyiinta Sare ee WAsaaraddaas

Mas’uuliyiinta sare ee wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland ayaa shalay si wada jir ah u beeniyey Khilaaf la weriyey in uu u dhexeeyo wasiirka iyo agaasimaha guud ee wasaaraddaas oo salka ku haya arrimo dhaqaalle. Sida lagu sheegay Shir jaraa`id oo ay shalay wadajir xarunta wasaaradaas ugu qabteen Wasiir ku xigeenka Wasaarada Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Mudane, Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin iyo Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo Xog ururinta ee Wasaaradaasi Mr. Cabdirashiid Caydiid Yaasiin ayaa waxay kaga hadleen warar ay qoreen maalmahan saxaafada dalka qaarkood oo ay ku sheegeen inuu jiro khilaaf soo kala dhex galay Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi, khilaafkaasi oo ku saabsan lacagtii ciyaaraha gobolada lagu qabtay gaar ahaan dakhligii ka soo baxay garoomada Hargeysa stadium iyo Timacade iyo war uu ku qoray Wargayska Hubaal maalintii arbaca ahayd ee todobaadkan oo ku beegnayd 23/11/2016 oo ahaa in Wasiirka iyo Agaasimaha guud khilaafkoodu gaadhay heer gacan ka hadal ah oo ay Wasaarada gudaheeda gacanta isula tageen.

Ugu horayn Wasiir ku xigeenka Wasaaradaasi Mudane Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin ayaa isaguna ka hadlay inaanu jirin wax khilaaf ah ama gacan ka hadal oo dhex maray masuuliyiinta Wasaarada, gaar ahaan Wasiirka iyo Agaasimaha Guud, (masuuliyiinta Wasaaradan maalin ay iskaga wanaagsan yihiin may soo marin, waxaad ka garanaysaa shaqadii la qabtay siday u wanaagsanayd, haddii uu jiro khilaaf iyo calool xumo ama wax la mid ahi may suurto gasheen in ciyaaraha goboladu si wanaagsan u qabsoomaan”. Sidaa ayuu yidhi wasiir ku xigeenku waxaanu intaa ku daray “ Haddii ay nagu cadaato waxa uu sheegayo wargayska Hubaal waa la arki oo ciqaabteeda ayaa nala marin, haddii nalagu waayona waxa cad been abuurka wargayska oo isaga ayaa ciqaabteeda la marin doonaa”. . Wasiirku xigeenku waxa uu xusay in kharashka ku baxay ciyaaraha gobolada ee dawladu bixisay uu cadaa wixii lagu qabtayna ay cad yihiin, hadii la shaxaaday shaqadana ay iman lahayd in shaqadu xumaato, “lacagta na loo dhiibay waxay ahayd wixii ay ku qabsoomayeen ciyaaruhu sida hurdada iyo cuntada ciyaartoyga iyo gunada hawl wadeenada, hadii sidii loogu talo galay aanaan u bixin waa la maqli lahaa oo may qarsoonteen. Wasiir ku xigeenku waxa uu u mahad celiyay Madaxwaynaha Jsl Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo sidii garashada lahayd ee uu ugu hagar baxay tartanka ciyaaraha gobolada, waxa kale oo uu u mahadnaqay Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan sidii xilkasnimada ahayd ee ay u fududeeyeen arimihii dhinacadooda ku xidhnaa. Ugu dambayn Agaasimaha waaxda Qorshaynta iyo Xog ururinta ayaa sharaxaad ka bixiyay ciyaaraha gobolada ee qabsoomay iyo arimaha guulaha ah ee lagaadhay, Agaasimuhu wuxuu sheegay inay ciyaarihii qabsoomay 2016 la gaadhay guulo waawayn oo laga gaadhay heerka ciyaaraha oo tayo ahaan noqday kuwo la mid ah kuwo dalalka la aqoonsan yahay, waxa ciyaaraheena la socday oo mar walba nagala soo xidhiidhayay masuuliyiinta Xidhiidhada kubada cagta ee dalka Djabouti oo ah dalka 1aad ee cilaaqaadka ugu wanaagsan aynu kala leenahay dhinaca ciyaaraha iyo dalalka kale ee ay ka mid yahay Ethiopia, waxaanay dhamaan qireen in tayada ciyaaraheenu aad u wanaagsan tahay, waxa kale oo uu sheegay Agaasimuhu in dadkii gudaha dalka iyo dibadaba joogay ay Wasaarada uga mahad celiyeen sida wanaagsan ee ciyaaraha loo qabtay. Agaasimaha Qorshayntu waxa uu faahfaahiyay dakhligii ka soo baxay garoomada Hargeysa stadium iyo Timacade ka soo baxay oo uu sheegay in loo isticmaalay arimo badan oo aan ku jirin kharashka ciyaaraha gobolada waxaana uu yidhi ( waxaanu u isticmaalnay dakhligii ka soo baxay garoomada ee aad na waydiiseen arimo badan oo aan ku jirin kharashkii loogu talo galay ciyaaraha sida: ambabixintii gobolada bariga gaar ahaan gobolada Sool, Sanaag, Xaysimo iyo Togdheer iyo sidoo kale dayactir aanu ku samaynay garoomada mudadii tartanku socday sida marmarka isku xidhma (joint stone) oo aanu dhignay qayta VIP da ku beegan ee garoonka Hargeysa stadium iyo goobta ciyaartoygu ay ka galaan shabaga xayndaabka garoonka oo dhisme bir ah lagu sameeyay iyo meelo kale oo labada garoonba wax laga qabtay sida goobaha tigidhada laga jaro iyo qolalka hoose ee garoonka Hargeysa Stadium, waxa kale oo lagu qabtay tartanka Hablaha oo ku qabsoomay garoonka SOCSA iyo tartanka CHESTA oo ilaa hada socda, waxa kale oo jiray hawl wadeeno badan oo guno laga siinayay maalin walba, xisaab celinteeduna waa mid noo diyaar ah, saxaafada arintan qortayna waxay ahayd inay wax na waydiiyaan, dad asxaab ah oo mar walba is helaya ayaanu ahayn, may ahayn iyaga oo aan nala soo xidhiidhin inay wax iska qoraal, oo weliba mala awaal ay qoraan, waxaanu ka filaynay inay saxaafadu qiimeeyaan ciyaarihii qabsoomay wanaagooda iyo waxyaabaha ka dhima, waynu ognahay inay maalin walba qoraan ciyaaraha dalal aan aqoon saxaafadeena, ciyaaraheena inay qoraan waxaanu u arkaynay inay tahay waajib saaran balse muu jirin kharash aanu ugu darnay saxaafada marka laga reebo xaflada furitaanka iyo xidhitaanka oo keliya. Waxaanu uga mahadcelinaynaa saxaafada dawlada iyo saxaafad badan oo madaxbanaan oo gutay waajibaadkii qaran ee ka saarnaa ciyaaraha gobolada baahintooda.