Axmed Cali Goodir Oo Ka Digay Hagardaamooyin Uu Sheegay Inay Horseedi Karaan Garabyada Siyaasadda Ee Ku dhex Wareega Axsaabta

0
1054
Axmed Cali Goodir Oo Ka Digay Hagardaamooyin Uu Sheegay Inay Horseedi Karaan Garabyada Siyaasadda Ee Ku dhex Wareega Axsaabta
Axmed Cali Goodir Oo Ka Digay Hagardaamooyin Uu Sheegay Inay Horseedi Karaan Garabyada Siyaasadda Ee Ku dhex Wareega Axsaabta

Aqoonyahan A.A. Goodir Oo Duray Jileyaasha Siyaasadda Ee U Kala Goosha Axsaabta Siyaasadda Ku Oo Uu Sheegay Inay Meel-ka-dhac Ku Tahay Kobcinta Dimuqraadiyadda

Aqoonyahan Axmed Cali Goodir Oo kamid ahaan jiray guddidiii ugu horreeyey ee doorashooyinka qaranka Somaliland, ayaa farta ku fiiqay hagar daamooyin uu sheegay in ay hanaanka xisbiyada badan iyo geedi socodka dimuqraadiyada u horseedi karaan Jileyaasha siyaasadda ee ku dhex wareega axsaabta iyaga oo siyaabo kala duwan uga soo kala digo rogta xisbiyadooda. Aqoonyahan Goodir oo haatan degen magaallada Hargeysa ayaa qormo uu arrimahaas ka qoray isla markaana tallooyin uu ku socodsiiyey hay’adaha ku shaqada leh oo uu ku ladhay qoraalkiisa xalay soo gaadhsiiyey wargeyska HUBAAL waxaa uu ku sharraxay cida xaqa u leh korinta iyo kobcinta dimuqraadiyadda iyo arrimaha la xidhiidha.

Qoraalka Mr. A. A. A. Goodir oo dhamaystirani waxaa uu u dhignaa sidan: “Gardaadinta, korinta xisbiyada iyo kobcinta dimuqraadiyada la hiigsan rabo, waxa ka mas’uul ah gudiga diwaan galinta ururrada iyo xisbiyada siyaasiga ah waxaana ku wajiib ah, inay ka badbaadiyaan kooxaha fawda abuurka ah ee ka fallaagooba, makay damacooda doorashada ka dhex-waayaan, taasoo ah inaan jaraha loo sii-deyn loona arko shufto sharci iyo nidaam diid ah eek u socota qarda-jeexnimo siyaasadeed oo ku salaysan jaahilnimo idho iyo dhago la’aan ah.

Siaas awgeed, waa inaan marnaba la ogalaan lana soo dhaweysanin, kooxaha garabyada sheegta e xisbiga ay ka tirsanaayeen ka duda, waxaana xaaran ah inay durbaan dagaal iyo shirar dad kicin ah oo liddi ku ah nabad-galyada iyo xasilloonida, gaadda-ka-ciyaarka ku mara jidadka magaalooyinka, taaso loo arki karo aragti gaabnida amase feejigo la’aanta guddiga diwaan-galinta iyo daba galka dhaqdhaaqa xisbiyada, muddada doorashooyinka ka hor, iyagoo kaashanaya wasaarada arrimaha amniga gudaha, si ar kastaba loogu hiiliyo fulinta meel marinta sharciyadda iyo caddalaad wanaagga, looguna soo dabbaalo nidaamka toosan, qab-qablayaasha aafada siyaasadeed, madex-martay!!

Sharcian xisbi qaran layskuma qabsan karo waxaana loogu kala baxaa cod aqlabiyadeed ah, taasoo aan loo hogaansamin beryahan dambe.