Murashaxa Madaxweyne-xigeen Ee Faysal Cali Waraabe Oo La Wada Sugayo Iyo Fursadaha Uga Banaan Awdal & Sool

0
965

Bulshada Somaliland ayaa aad isu weydiinaysa ninka uu noqon doono murashaxa madaxweyne-xigeen ee Faysal Cali Waraabe, oo uu shirkii u dambeeyay ee aan caadiga ahayn ee UCID awood u siiyay inuu isago soo xusho.

Eng. Faysal oo ay markani u tahay markii saddexaad ee uu madaxweyne isu soo sharaxo, wuxuu doorkan u arkaa inay tahay fursadiisii, waxaanu ciyaarayaa kaadh kasta oo uu u arko inay guusha madaxweynenimo u soo dhawaynayso, isagoo  ku jiraa dedaal siyaasadeed oo uu doonayo inuu arrimo badan ku maareeyo.

Qodobka u horeeya ee lagu eegayo kaadhka siyaasadeed ee uu Faysal Cali Waraabe, ciyaari doono waxa ka mid ah xulashada murashixiisa madaxweye-xigeen.

Dadka qaar ayaa aaminsan in Faysal oo hadda waayo arag ku ah siyaasadda Somaliland uu doorkan madaxweyne-xigeenkiisa ka xulan doono gobalka Sool, si uu afka ugu dhigto codka dadka Sool iyo deegaanada ku xeeran oo sannadkan si aan laga filayn doorashada isugu diiwaangeliyay.

Waxa kale oo laga yaabaa inuu helo codka dad badan oo reer Somaliland ah oo jecel in beelaha gobalada bari ka dhex muuqdaan siyaasadda hoggaamineed ee Somaliland.

Waxa kale oo uu ka faa’iidi doonaa haddii uu kaadhkan ciyaaro inuu muujiyo bisayl qaranimo iyo in Somaliland tahay qaran la wada leeyahay, waxaanu si aan toos ahayn uga qayb qaadan karaa soo dhawaynta bulshada reer Sool ee tabashooyin badan oo siyaasadeed qaba.

Haddii uu Faysal Cali Waraabe, fursadaas siyaasadeed ka faa’iidaysto wuxuu noqon doonaa cudud soo korodhay oo dheeli tirta awooda labada xisbi ee Waddani iyo KULMIYE oo hadda u muuqda inay ku legdamayaan saaxadda siyaasadda.

Dad kale ayaa iyaguna aaminsan in Faysal Cali Waraabe markii saddexaad uu murashixiisa ka xulan doono gobalka Awdal oo uu ka dhigi doono murashixii saddexaad ee madaxweyne-xigeen ee xisbiyad qaranka ka dhex tartama.

Dadka Faysal aadka ugu dhow-dhow islamarkaana siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan inaanay Faysal iyo xisbiga UCID u banaanayn fursad uu gobalkaas kaga xusho murashax madaxweyne-xigeen, iyagoo sabab uga dhigaya culayska siyaasadeed ee saaran gobalka Awdal oo uu joogo madaxweyne-xigeen kursigii ku fadhiya oo haddana isla jagadaas mar labaad u tartamaya iyo xisbiga kale ee Waddani oo isna murashax madaxweyne-xigeen ka xushay gobalkaas.

Haddii uu Faysal isku dayo inuu isna ku biiro labada xisbi ee kale oo uu gobalka Awdal ka xusho murashixiisa madaxweyne-xigeen waxa ay dadka siyaasadda falanqeeyaa aaminsanyihiin inaanu la iman doonin miisaan siyaasadeed oo cusub.

Si kastaba ha ahaate, hamiga uu Faysal ku doonayo inuu mar uun noqdo hoggaamiyaha qaranka Somaliland, waxa ka xiga caqabado badan oo siyaasadeed, kuwaas oo ay ugu horayso qaabka uu u maareeyo una xusho murashixiisa madaxweyne-xigeen.

Haddaba, maadaama oo Faysal uu xisbigiisu awood u siiyay inuu gacantiisa ku soo xusho murashixiisa madaxweyne-xigeen, waxa la eegi doonaa inuu la soo baxo oo uu ciyaaro turub siyaasadeed oo uu jeebka dambe ku haysto iyo in kale.