Guddoomiyaha KULMIYE Oo Deeq Hu’ Iyo Busteyaal Iskugu Jirta Ku Wareejiyey Guddida Abaaraha Ee Heer Qaran

0
1248
Guddoomiyaha KULMIYE Oo Deeq Hu’ Iyo Busteyaal Iskugu Jirta Ku Wareejiyey Guddida Abaaraha Ee Heer Qaran
Guddoomiyaha KULMIYE Oo Deeq Hu’ Iyo Busteyaal Iskugu Jirta Ku Wareejiyey Guddida Abaaraha Ee Heer Qaran

Aqoonayahan Maxamed Cali Bile oo muddo ilaa labaatan sanno ah ka shaqaynayey hay’adaha Qaramada Midoobay oo uu xilal kala duwan ka soo qabtay, ayaa la filayaa inuu dhawaan ku biiro xisbaga hadda haya talada Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE.

Aqoonyahan Maxamed Cali Bile oo toddobaadkan ku dhawaaqay inuu ku biirayo saaxadda siyaasadda Somaliland ee laga hoggaamiyo saddexda xisbi qaran ee jira xilligan eek ala ah; UCID, KULMIYE iyo WADDANI, si uu uga mid noqdo nidaamka hannaanka talada waddanka.

“Qofku marka uu jecelyahay inuu ka qaybqaato horumarka waddankiisa dariiqa uu u marayo kolba heer buu kaga jiraa, anigu heer farsamo in badan baan ka soo qaybqaatay, heer aqooneeneed  in badan baan ka soo qaybqaatay, heer dib-u-dhis dalkana in badan baan ka soo qaybqaatay, maantana waxaan isleeyahay malaha heerkii siyaasadda ayaa ku habboon in lagaga qaybqaato, waayo waa muftaaxa wax laga hoggaaminayo, markaa maanta waxaan jeclaystay in aan hoggaanka siyaasadeed ee dalka aan qayb ka ahaado oo Insha Allaahu inta cimrigu igu simo aan ahaado xubin firfircoon oo ka qaybqaata si aan ugu adeego bulshada,” ayuu yidhi Maxamed Cali Bile oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa Isniintii.

Inkastoo aqoonyahan Maxamed Cali Bile ka caddayn warbaahinta xisbiga uu doonayo inuu ka bilaabo hayaankiisa siyaasadeed, haddana sida ilo xogogaal ah oo ku dhawdhaw u xaqiijiyeen shabakadda Maalmahanews waxa qorshihiisu yahay inuu ka mid noqdo xisbiga KULMIYE oo wadahadallo hoose dhexmareen, isla markaana uu siyaasad ahaan hoggaamintiisa ku qancay.

Warku waxa uu tibaaxay in dhawaan la shaacin doono ku biirista aqoonyahan Maxamed Cali Bile ee xisbiga KULMIYE, balse ma cadda in tallaabadan cid kale ku wehelinayso iyo in kale.

Haddii arrintani dhabowdo waxa Maxamed Cali Bile ka mid noqonayaan aqoonyahan fara badan oo ku biiray xisbiga KULMIYE sannadkan ku dambeeyey, kuwaas oo uu mid yihiin Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, dhawr iyo toban Barafasooro ka mid ah macallimiinta jaamacadda Camuud oo kaga dhawaaqay Boorama ku biirista xisbiga iyo xubno kale oo aqoonyahan ah oo kaga biiray magaalada Hargeysa dhawr bilood ka hor.