Guddoomiye Cirro Oo Caydhintii Ku-xigeenkiisa Caasinimo U Nisbeeyey, Ceesaamihii Uu Gobollada Bari Ku Qulaamiyeyna Calool-nugayl Iyo Lexe-jeclo Ku Tilmaamay

0
885

“Axmed Muumin iyo saaxiibada la socdaba waxanu u fududaynay dibad-wareeggiiye haddii ay meel qurux badan soo arkeen ha iska day-daydaan….”

“Waxan arkay gabadh doonaysay inay ceesaantaas yar biyo siiso, aniguna waxan ka qayb qaatay dadkii waraabinayey ceesaantaas, waayo siduu dadku ugu baahnaa biyaha ayey ceesaantaasina ugu baahnayn…..”Gud. Cirro

Guddoomiyaha golaha wakiillada, ahna guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro), ayaa markii ugu horraysay ka

hadlay xilka ka-qaadistii xisbigiisu ku sameeyey ku-xigeenkiisii hore Md. Axmed Muumin Seed oo haatan hoggaamiya garabka toosinta iyo caddaaladda oo ka go’ay xisbiga WADDANI.

Guddoomiye Cirro oo u warramay shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews, waxa uu sidoo kale ka hadlay aragtida xisbigiisa ee la xidhiiidha dib-u-dhac ku yimaadda doorashada madaxtooyada ee qorshaysan bisha saddexaad ee sanadka soo socda ee 2017-ka, taas oo ay sabab u noqon karta abaarta baahsan ee dalka ka taagan, isaga oo aan shiddaysan dibu dhacaas la filan karo.

Guddoomiye Cirro waxa uu hoosta ka xarriiqay inay wakhti badan geliyeen sidii dib loogu soo celin lahaa guddoomiye Seed oo cadho xisbiga kaga maqnaa, balse isku-dayadaasi ay dhammaantood guuldarraysteen,“qofkii noogu horreeyey ee Axmed Muumin Seed la kulmaa waxa uu ahaa Xirsi, anna maalintii dambaan la kulmay, ilaa soddona masuul oo xisbiga katirsan, ayaa u ergeeyey, laakiin ergooyinkaasi gacmo madhan bay kala soo kulmeen, waxana aanu u qornay qoraallo aanu kaga codsanayno inuu shirkii hoggaanka kasoo qaybgalo wuuna diiday taas,” ayuu yidhi guddoomiye Cirro.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu Cirro bayaamiyey inay guddi anshax marin ah u saareen ku-xigeenkiisii hore, isaga oo sababta ay u caydhiyeenna ku tilmaamay garabka toosinta iyo caddaaladda ee uu horseedka u yahay, waxana uu yidhi,“Waxanu doonaynay Axmed inuu sheegto wixii dhibaato ah ee uu tabanayo, xisbiga masuuliyiintiisa oo u wada heegan ahaana uu kala hadlo, laakiin markuu ergooyinka kuwii rasmiga ahaa iyo kuwii  aan rasmiga ahayn diiday waxanu usaarnay guddi anshax, sababtoo ah waxa uu ku dhawaaqay inuu ku biiray xisbi aan xisbigu sharci u arkaynin oo sharci-darro ah.”

Cabdiraxmaan Cirro waxa uu carrabka ku dhuftay inuu xisbigiisu guddoomiye-ku-xigeenkiisii hore iyo kooxda uu hoggaamiyoba u fasaxeen rabitaankooda,“Axmed Muumin iyo saaxiibada la socdaba waxanu u fududaynay dibad-wareeggiiye haddii ay meel qurux badan soo arkeen ha iska day-daydaan” ayuu yidhi guddoomiye Cirro.

Dhinaca kale waxa uu guddoomiye Cirro ka hadlay suurto-galnimada dib-dhac ku yimaadda doorashooyinka madaxtinimo ee soo socda, waxana uu hoosta ka xarriiqay inuu xisbigiisu soo dhaweyn doono go’aanka qaran ahaan laga gaadho, waxana uu yidhi, “Marka ay abaarahani yimaadaan shuruucda dalku cid bay qiimaynta siisay, markaa ciddaas waxa looga baahan yahay inay xaaladdaas qiimeeyaan, marka ay qiimeeyaanna tallaabada qaranku qaato kamid baanu noqonaynaa.”

Ugu dambayntii waxa uu Cirro ka hadlay sawirro si weyn u dhex xulay baraha bulshada oo muujinayey isaga oo biyo ku qulaaminaya adhi ku dhaqan hawdka gobolka Togdheer, kaas oo dad badani ku dhaleeceeyeen una fahmeen is-muujin, waxana isaga oo arrintaas ka hadlaya uu yidhi,“Waxan arkay gabadh doonaysay inay ceesaantaas yar biyo siiso, aniguna waxan ka qayb qaatay dadkii waraabinayey ceesaantaas, waayo siduu dadku ugu baahnaa biyaha ayey ceesaantaasina ugu baahnayn, waxana ay kamid ahayd xoolihii aanu aragnay ee dhibaataysnaa ee aanu soo aragnay.”