General Galaal Oo Ka Xog-warramay Kulan Uu Madaxweyne Siilaanyo Hargeysa Kula Qaatay, Kana Marag Kacay Dhibaatooyinkii Uu Cali-samatar Uu Geystay Reer Somaliland “

0
1293
General Galaal Oo Ka Xog-warramay Kulan Uu Madaxweyne Siilaanyo Hargeysa Kula Qaatay, Kana Marag Kacay Dhibaatooyinkii Uu Cali-samatar Uu Geystay Reer Somaliland “
General Galaal Oo Ka Xog-warramay Kulan Uu Madaxweyne Siilaanyo Hargeysa Kula Qaatay, Kana Marag Kacay Dhibaatooyinkii Uu Cali-samatar Uu Geystay Reer Somaliland “

“Laba  arrimood baan Hargeysa u imi, waa marka ugu horraysa’e Heroshima(Hargeysa) inaan markale arko siday noqotay  waan rabay, way weynaatay, wey dhisantay, laakiin laba dhibaato ayey qabtaa, kuwaas oo kala ah……,”General Galaal.

Taliyihii hore ee ciidanka militeriga Soomaaliya  General Maxamed Nuur Galaal oo xilligan ku sugan magaalada Hargeysa, ayaa faahfaahiyey sababaha uu Somaliland u joogo, waxana uu ka warramay natiijada kulan uu la qaatay madaxweyne Siilaanyo.

General Galaal oo heer sare ka gaadhay ciidamada qalabka sida ee dalka Soomaaliya, isla-markaana aan in muddo ah wax xil ah qabanin, ayaa waraysi uu siiyey telefishanka HCTV waxa uu ku sheegay inuu wakhti badan oo noloshiisa ah kusoo qaatay caasimadda Hargeysa, isla-markaana aanu wax colaad ah weligii u qaadin shacabka reer Somaliland.

Galaal isaga oo ka hadlay asbaabta uu Hargeysa u yimi ayaa waxa uu qiray burburkii baaxadda lahaa ee taliskii uu kasoo tirsanaan jirey ee Somaliya u geystay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, isaga la simay burburkii maraykanku gaadhsiiyey magaalada Heroshima ee dalka Japan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Laba  arrimood baan Hargeysa u imi, waa marka ugu horraysaye Heroshima(Hargeysa) inaan markale arko siday noqotay  waan rabay, way weynaatay, wey dhisantay, laakiin laba dhibaato ayey qabtaa, Biyo la’aan iyo Waddo-xumo, biyihiina way soo socdaan baa la I gu yidhi, labadaas haddii ay xalliso waa wax fiican, waana magaalo weyn oo caasimad ah, laakiin labadaasi intay kala dhiman yihiin weli waxbaa dhiman, midda labaad ee aan halkan u imina waxa ay ahayd gabadh aan dhalay oo halkan lagu guursaday baan arooskeeda imi,”.

General-ku isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu qiray inuu madaxweyne Siilaanyo kulan la qaatay, isaga oo farta ku fiiqay in wanaag uu u hayn jirey shacabka reer Somaliland darteed uu keligii taliye Siyaad Barre u colaadiyey xilligii uu ciidamada hoggaamin jirey,“Meesha ugu sarraysa ayaan tegay oo madaxweynaha ayaanu is aragnay, aniguna idinka oo dhalan baan reer Hargeysa ahaa oo waa la iga yaqaan, midda kalena waa la ogyahay inaanan anigu xumaanta Somaliland ka shaqayn iyo dagaalkeeda midna,Maxamed Siyaad wixii uu hoos iigu dhigay waxa kamid ahaa dareenkii aan Somaliland ka qabay” ayu yidhi Maxamed Nuur Galaal.

Waxa uu saluug weyn ka muujiyey maamuuskii magaalada Muqdsho loogu sameeyey taliyihii hore ee ciidanka xoogga Soomaaliya Sareeye Gaas Maxamed Cali Samatar oo loo tirinayo inuu masuul ka ahaa dhagaro tiro-dhaaf ah oo laga galay shacabka Somalilland, waxana  uu shaaciyey in taliyahaas geeriyooday la huwiyey ammaan aanu lahayn, waxana uu yidhi,“Xasan Sheekh ma aha oo kali ah inuu Been buun buun-buuniyee wuxuu meel uga dhacay oo ku tacaddiyey dadkii uu Cali Samatar dhibaateeyey, waana ninka qarankii Soomaaliyeed dumiyey.”