Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Diyaarado Dagaal Oo Duqaymo Ka Geystay Deegaanno Kala Duwan

0
933
Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Diyaarado Dagaal Oo Duqaymo Ka Geystay Deegaanno Kala Duwan
Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Diyaarado Dagaal Oo Duqaymo Ka Geystay Deegaanno Kala Duwan

Wasiir Yaasiin Maxamed Xiir Faratoon Oo Amuurtan U Xaqiijiyey Warbaahinta

“ Waad Ogtihiinnoo  Deriskeena Meello Badan   Baa Saldhigyo Ciidan   Innaga Xigaan,   Diyaarado Badanina   Mararka Qaar Wey  Ku Xad Gudbaan Xuduudaha, Markaa Warkaasi Wax Baa Ka Jira  Laakiin Wax Aynu Hubno  Maaha Ee…

Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay ka hadashay Diyaarado Dagaal oo Duqaymo ka geystay maalmihii u dambeeyey Toddobaadkii dhammaaday deegaanno ka tirsan Oodweyne iyo Saylac. Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Ciir (Faratoon), waxa uu sheegay inaanay illaa hadda jirin cid wax ku noqotay Duqaymaha Diyaaradahaasi geysteen, hase-yeeshee, ay weli baadhitaanno dheeraad ah wadaan sababta ay u fuliyeen Duqaymahaas, waxaanu sheegay inay Diyaaradahaas dagaal si khaldan ugu soo xad-gudbeen Xuduudka Somaliland. Hadalka Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin-Faratoon kaga jawaabay Su’aalo Sabtidii  shalay ay warbaahintu ka weydiisay duqaymahaas ayaa waxaa uu kaga jawaabay “wey jirtaa [diyaaradahasi] oo habeen dhexdaas ah baa meel keyn  ahoo cidlo ah ay diyaarado wax ku rideen, wax aad loo hubana maaha”. Sidas ayuu yidhi Wasiir faratoon, waxaanu intaa ku daray “meeshaas cidi waxba kuma noqon, cidna waxba ma gaadhin immikana baadhis baa lagu jiraa”.  Intaas ka dib ayaa Weriye Khadar Macalin Deeq oo kamid ahaa suxufiyiintii wasiirka kula kulmay barxadda hore ee baarlamaanka ee suaalaha weydiinayay waxaa uu su’aalaha bal iyadana warka sheegaya in diyaarado kuwan oo kale ahi soo cago dhigteen gobolka Selel, waxaana Mr. Faratoon uu yidhi “ Waad ogtihiinnoo  meello badan oo deriskeena ah baa saldhigyo ciidan oo diyaarado badani kasoo kacaan innaga xiga,  markaa diyaarado badan baa mararka qaar ku xad gudba xuduudaha, markaa warkaasi wax baa ka jira in ay diyaarado soo galeen Saylac laakiin wax aynu hubno oo aynu gacanta ku hayno maaha ee baadhitaano ayaa socda aanu ku baadhayno”. Ayuu wasiirku ku gaabsaday.  Hadalka Wasiirka, ayaa ka danbeeyay kadib markii dhowaan Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cabdullaahi Fadal Iimaan waxaba kama jiraan ka dhigay in ay diyaarado aan la aqoonsan hawlgalo ka fuliyeen deegaamada Oodweyne iyo Saylac ee gudaha Somaliland