Xirsi Oo Xamaam tiisa Ka Gurtay Huteel Uu Shir Doceedyo Ka Waday Kadib Markii Ay Wasiir Samsam Dhaabad Ku Noqotay Ololihiisa

0
1099

Shir-doceedyada Xirsi Oo Bar-kuma-taal Noqday Iyo Wasiir Samsam oo Kulamo Gooni-gooni Ah La Yeelatay Waxgaradka Iyo Haldoorka  Burco

Dadweynaha ku dhaqan magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa dhabarka u jeediyey wafitigii Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Ciro iyo hogaamiyaha xisbigaasi  Xirsi Cali Xaaji Xasan ka dib markii Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ay ka dul degtay Xirsi  oo xod-xodasho ku wada taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee gobolkaasi. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isagu todobaadii u danbeeyey olole balaadhan ka waday magaaladda Burco oo xarun ka dhigtay Hotel Plaza ayuu ololihiisaasi soo afjarmay ka dib markii ay wasiirka maaliyaddu soo gaadhay Burco, isla markaana ay kulamo gooni gooni ah la yeelatay waxgaradka iyo haldoorka magaaladaasi, kuwaas oo dhamaantood u balan-qaaday in taageero hiil iyo hooba ah la barbar taagan yihiin xisbiga Kulmiye.

Hogaamiyaha Waddani Mr Xisri ayaa markii uu arkay inay ololihiisaasi caqab ku tahay Wasiir Samsam gabi ahaanba ka guuray hotelka Plaza oo xarun uu dadka kula shiro u ahaa.Sidoo kale wasiir Samsam oo iyadu hawsha ay halkaasi u tagtay ay ugu waynayd gurmadka dadka abaaruhu ku heleen barriga Somaliland ayaa markii ay aragtay kaambaynka ay Xirsi iyo Ciro ka wadaan Burco, iyaduna dhinaceeda bilawday inay u caqli celiso shaqsiyaadkii  iyo dhalinyaradii ay la kulmeen, taas oo ku qancisay inay taageersanaadaan xisbigii ay hore uga tirsanaayeen ee Kulmiye.

Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Mr Xirsi ayaa markii uu quus ka joogsaday dadkii uu  xod-xodanayey waxa uu cadhadii ku kaliftay inuu bilaabo boro-bogaando uu ku qoray Websites uu u sameeyey koox dhalinyaro ah oo ay isku beel yihiin kuwaas oo ku amro mar walba inay weeraraan hadba cida uu u arko inay culays siyaasadeed ku hayso ama uu khatar u arko inay ka hor imanayso mashruuciisa xisbiga Waddani. Balse isku dayadaasi Xirsi ayaa gabi ahaan noqday kuwo fashilmay,taas oo shaki galisay dadkii aaminsanaa inuu Xirsi gacanta ugu hayo xisbiga Waddani dhamaan codka Burco oo dha.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa isagu dorraad ka soo baxay Burco ka dib markii uu maqlay inuu wafti Madaxwayne Siilaanyo kusoo jeedo Burco, waftigaasi oo ay qayb ka yihiin Guddoomiyaha Kulmiye  ahna murashaxa xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi, kuwaas oo gurmad u sida dadka abaaruhu ku haleeleen barriga Somaliland.