Shirwaynihii 1aad Ee Xirfadlayaasha Maaraynta Magaallooyinka Oo Ka Qabsoomay Magaalada Hargeysa

0
773
Shirwaynihii 1aad Ee Xirfadlayaasha Maaraynta Magaallooyinka Oo Ka Qabsoomay Magaalada Hargeysa
Shirwaynihii 1aad Ee Xirfadlayaasha Maaraynta Magaallooyinka Oo Ka Qabsoomay Magaalada Hargeysa

(SOMALILAND URBAN MANAGEMENT PROFESSIONALS) (SUMPRO)

Shirweynihii ugu horeeyey ee Ururka Xirfadlayaasha Maaraynta Magaalooyinka ee Somaliland,(SUMPRO), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay, 17-November-2016, ku qabsaday caasimadda Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Ahmiyadda ugu weyn ee Ururka mihnadlayaasha maareynta magaalooyinku  ku lug yeelan doonaa in uu kala shaqeeyo dhinaca arrimaha bulshadda, dhaqaalaha iyo deegaankaba dowladdaha hoose ee Somaliland.

Ururka mihnadlayaasha maareynta magaalooyinku  kuma koobnaan doona hawlaha dhismayaasha wadooyinka iyo beeraha lagu nasto oo kaliya, laakiinse, waxa uu ka shaqeyn doonaa, qorshayaasha fikradaha muhiimka ah ee kor loogu qaadayo horumarka dadka, tallo bixin, Cilmi baadhis, korodhka dadka si loo yareeyo korodhka saboolnimadda magaalooyinka, hormarka magaalooyinka,  maal-gashiga kaabayaasha dhaqaale.dowladaha hoose, daraasaddo lagu xalinaayo  caqabadaha iyo dhibaatooyinka ka dhasha muranka dhulka,  kor u qaadida xidhiidhka ka dhaxeeya bulshada iyo dowladaha hoose, ee Somaliland.

Waxa kale oo ururkani ka qayb qaadan doonaa, illaalinta nadaafada deegaanka iyo fayo-dhowka, si  qof kasta oo muwaadin ahiba uu u hello,  nolol uu ku noolaado oo caafimaad qabta, haddii ay noqon lahayd, Hoy, Cunto,  Biyo, sidoo kalena, waxa uu ka shaqeyn doonaa,  goobaha kaabayaasha dhaqaalaha, goobo lagu madadaasho, goobaha ganacsiga, goobaha xafiisyadda, goobaha cuntadda iyo suuqyadda.

Waxa shirweynihii ugu horeeyey ee Ururka mihnadlayaasha maareynta magaalooyinka  lagu doortay gudoomiye,  gudoomiye ku xigeen iyo Shan xubnood oo ah gudida fullinta ururka xirfadyaasha maareynta magaalooyinka Somaliland. waxaana ku guuleystay doorashadaasi oo loo doortay inuu noqdo gudoomiyaha ururka xirfadlayaasha maareynta magaalooyinka  Mr. Khadar Cabdi Cawaale, halka, loogu doortay ku xigeenka- gudoomiyaha ururkaasina, Mr. Cabdiwaasac Abiib, waxa kale oo shirweynahaasi lagu doortay,  Shan xubnood oo ka mid ah ururkaasi in ay noqdaan gudida fulinta kuwaasoo kala ahaa, sidan

ururka

  1. Jaamac Xiis Maxamed Xubin
  2. Xasan Yuusuf Maxamed Xubin
  3. Sacdiya Jaamac Faarax Xubin
  4. Cabdirashiid Caydiid Yaasiin Xubin
  5. Maxamed Ismaaciil Cabdi Xubin

Ururkan xirfadlayaasha maaraynta magaalooyinka oo ah ardaydii ka qalin jabisay Jaamacada shaqaalaha dowlada ee “ CSI”  ee ku taala caasimadda Hargeysa, waxaana la rajeynayaa in ay door muhiima ka ciyaari doono baahiyaha maamul  iyo Maamul wanaaga ka jira dowladaha hoose ee  Jamhuuriyadda Somaliland.

Cabdirashiid Caydiid Yaasiin